Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub kuwaas oo ay ka wada hadleen taageerada Reer Yurub ee Soomaaliya.
Wafdiga ka socday Midowga Yurub ayaa waxaa hoggaaminayay safiirka midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Ambaassador Mechealle Cervone waxaana kulanka wafdiga iyo Madaxweynaha uu ahaa mid ay saxaafadda dibad joog ka ahayeen.
Markii uu soo gaba qaboobay kulanka ayaa waxaa saxaafadda shir jaraa’id si wadjir ah ugu qabtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa uga mahadceliyay wafdiga ka socda midowga Yurub booqashada ay maanta ku yimadeen Muqdisho waxa uuna intaa ku daray in dowladda mudooyinkii ugu dambeysay ay ku baaqeysay in ay kordhiyaan beesha caalamka taageerada ay siinayeen dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in midowga Yurub ay badalaan qaabkii hore oo ay ula macaamili jireen dalka Soomaaliya ayna kordhiyaan lacagta ay siyaan dalka.
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo sidoo kale la hadlay warbaahinta ayaa ku dhawaaqay in Midowga Yurub ay kordhiyeen taageerada dalka Soomaaliya waxa uuna xusay in ay garab taaganyihiin dadka Soomaaliyeed ayna kordhinayaan lacagta ay siiyaan dalka Soomaaliya si dib u dhis loogu sameeyo xarumaha dowladda.
SomaliSwiss     Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.