Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta burburiyay dhismeyaal si sharci darro ah looga dhisay beeraha nasashada dowladda hoose ee magaalada Muqdisho.
Banaadir G/sare Xuseen Qare oo ah Taliye ku xigeenka ciidanka ilaalinta deegaanka ee gobolaka oo la hadlay warbaainta ayaa sheegay in la burburin doono dhammaan dhismeyaasha laga sameeyay goobaha danta guud ee magaalada, isagoo shacabka ugu baaqay inaysan iibsan ama dhisan dhulka dowladda.
Sidoo kale Afhayeenka gobolka Banaadir Maxamed Yusuf Cusmaan ayaa sheegay in tallaabadani ay qeyb ka tahay mashaariicda dib loogu soo celinayo adeeggii bulshada, taas oo ay iska kaashan doonaan hirgelinteeda shacabka, maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda dhexe.
SomaliSwiss     Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.