Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta Xafiiskiisa madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday dowladda Switzerland oo ay hogaaminayeen Safiirka iyo Xoghayaha koowaad ee dalka Swiss-ka u qaabilsan dalka Soomaaliya. HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ayaa ka wada hadlay xiriirka labadda dalka iyo sidii Dowladda Switzerland uga qayb qaadan lahayd xasilinta dalka, dib u dhiska iyo Horumarinta.
Safiirka Dowladda Swiss ee dalka Soomaaliya ayaa u  sheegay Madaxweynaha in markii hore Soomaaliya ay ka caawin jireen dhanka beni’adamnimadda hayeeshee haatan wixii ka dambeeya  qorshoodu ballaarin doonaan islamarkaana Dowladdda Soomaaliya ay ka taageeri doonaan Siyaasadda, Dib u dhiska goboladda dalka iyo dib u habeeynta Nidaamka Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe.
Ugu dambeeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya ayaa ka gudoomay Safiirka warqad hambalyo ah oo ay u soo dirtay Madaxweynaha Swiss Eveline Widmer Schlump isagoona aad iyo aad uga mahad celiyey.
– Dhamaad –
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.