Advertisements

Dowladda China oo Sheegtay inay ka qeyb qaadan doonto dib u dhiska Dalka Somaaliya.

Dowladda China ayaa sheegtay inay ka qeyb qaadan doonto dib u dhiska Dalka Soomaaliya, kadib markii maanta ku dhexmaray caasimadda Dalkaasi mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka China iyo Madaxda Sare ee dalkaasi,wadahadalkaasi oo  la xiriiray sidii ay Dolwadda China u taageeri laheyd Dolwadda Soomaaliya.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka China Mudane Cawaale Cali Kulane oo wareysi siiyey Warbaahunta Soomaaliya gaar ahaan Idaacadda Raadio Muqdisho, isaga oo ku sugan magaalada Biijiin ee caasimadda dalka Shiinaha ayaa sheegay in mas’uuliyiinta dalka China ay kala hadleen sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska Dalka Soomaaliya iyo in lasii xoojiyo xiriirka ay Dowladda China la yeelan doonto Dowladda cusub ee Soomaaliya.

Sidoo kale Mudane Cawaale Cali Kulane Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka ee China oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in uu aad ugu kalsoon yahay in lasii xoojin doono cilaaqaadka ka dhaxeeya Dowladaha China iyo Soomaaliya marka la dhiso golaha Wasiirrada cusub ee Dalkeenna.

Dhinaca kale Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka China Mudane Cawaale Cali Kulane ayaa sheegay in Safaaraddu ay gacan weyn ka geysatay sidii ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalkaasi u ganacsi taga loogu fududeyn lahaa ganacsigooda ayadoo laga qafiifiyey lacagaha canshuuraha ah ee laga qaado.

Si kasta ha ahaatee Safaaradda Soomaaliya ee dalka China ayaa ka mid ah safaaradaha ay Dowladda Soomaaliya ku leedahay dalka dibadiisa kuwooda ugu dhaqdhaqaaqa wanaagsan ayadoo safaaradduna ay ka shaqeyso difaacida iyo helida xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool iyo kuwa u ganacsi tagay.

SomaliSwiss    Bijin

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: