Advertisements

Qunsuliyadda dalka Turkiga u fadhida magaalada Zürich oo xalay lagu qabtay munaasabadda maalinta Qaranimada wadanka Turkiga.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkan ka akhri

Waaxaa xalay oo talaadada ahayd Taarikhduna ahayd ka dhacay magaalada Zürich ee dalka Switzerland Xaflad lagu weynaynayo maalinta qarannimada dalka Turkiga, munaasabaddan oo ay  soo qabanqaabisay Qunsuliyadda dalka Turkiga u fadhida  magaaladan Zürich.

Sidoo kale Munaasabaddan ayaa waxay lahayd laba wiji, tan hore waa xuska Maalinta Qarannimada dalka Turkiga, tan labaad waxay ahayd munaasabad lagu sogootinayo Qunsulka dalka Turkiga uga wakiilka ah magaalada Zürich ee Kanton Zürich.

Xafladdan ayaa waxaa qunsuliyadda Turkiga ku casuntay dhammaan mas’uuliyiinta kala duwan ee Kanton Zürich, Qunsuliyadaha wadamada kale ee caalamka u fadhiya magaalada Zürich, Hay’adaha ganacsiga iyo qaar ka mid ah Jaaliyada Ajaanibka ee jira Kanton Zürich, sida Jaaliyadda Kanton Zürich oo si rasmi ah loogu casumay munaasabadda Qarannimada dalka Turkiga ee aan walaalaha nahay, waxaana ka mid ahaa dadkii tegay munaasabaddaas  Mudane Mustaf Bashiir Gobdon. Marwa Haawa nuur Muudey, Dr. Axmed Dhicisow iyo Mudane Bashiir Bootaan.

Ugu danbeyntii waxaa hadal kooban ka jeediyey Ma’uulka Qunsuliyadaa Turkiga ay ku leedahay  magaalda Zürich wuxuuna  uga mahadceliyey dhammaan Madaxdii iyo dadkii ka soo qaybgalay Munaasabaddaa, sidoo ka wuxuu  si gaar uga hadlay in Dowladda Turkiga ay soo dhaweynayso hay’adaha iyo qofkii dan ka leh Ganacsiga iyo maalgeshiga dalkaas.

SoomaliSwiss    Zürich

Dr. Ahmed Di’sou Daud

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: