Advertisements

Magaalada Muqdisho oo ay ka dhacayaan dilal qorsheysan.

Kooxo Dabley oo ku hubeysan Bastoolado ayaa siyaabo kala duwan shalay ilaa xalay ugu dileen degmooyinka Wardhiigley iyo Waaberi ee gobolka Banaadir laba qof oo mid ay ahayd haweeney iyo abwaan ka tirsanaa Radio  Kulmiye oo ah idaacad ka howlgasha Muqdisho.

Sida lagu soo warramay  Abwaan Warsame Shire Cawaale oo 60-jir ahaa ayaa waxaa salaaddii maqrib ee xalay kaddib lagu toogtay meel ku dhow gurigiisa oo ku yaalla degmada Waaberi, iyadoo kooxihii dishayna ay kacarareen goobtii falka dilmada ka dhacay.

Waa abwaankii labaad ee ay dilaan   Kooxo  hubeysan oo ku dhuumaaleysanaya gudaha magaalada Muqdisha Sidaas waxa yiri agaasimaha idaacadda Kulmiye, Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo la hadlay warbaahinta.

Maydka abwaanka ayaa isla xalay la dhigay isbitaalka Daarul-shifa oo ah mid gaar loo leeyahay oo ku yaalla jidka Maka Al-Mukarama, waxaana lagu wadaa in saakay lagu aaso Muqdisho, iyadoo la xusuusto in shalay
la aasay wariye dhaawac horay u gaartay u dhintay.

Laba bilood ka hor ayay ahayd markii Abwaan Cabdi Malaaq Marshaale oo ka mid ahaa shaqaalaha idaacadda Kulmiye lagu dilay isla degmada Waaberi, iyadoo ay ka baxsadeen goobta kooxihii dilkiisa geystay.

Sidoo kale Warar  ayaa  sheegayaan in Abwaan Cawaale dhowr jeer hanjabay dil ah loo soo diray, kaddib markii uu eedeymo dhowr ah u jeediyay xoogagga Islaamiyiinta ah ee kasoo horjeeda dowladda, kuwaasoo lagu
eedeeyo dilalka loo geysto suxufiyiinta iyo shaqaaalaha kale ee warbaahinta ka shaqeeya.

Hase ahaatee Abawaankan la dilay ayaa wuxuu sare u qaadayaa shaqaalaha warbaahineed ee sannadkan lagu dilay magaalada Muqdisho isagoo tirada ka dhigay 18, kuwaasoo u badnaa suxufiyiin ka howglayay qaybaha kala duwan ee warbaahinta Soomaaliya.

Warar kale, ayaa  sheegaya in isla xalay  kooxo hubeysan ay ku dileen xaafadda Laba-dhagax ee degmada Wardhiigley gabar dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray, Luul Cali Sabriye oo la sheegay inay horay uga tirsanayd Al-shabaab balse kasoo goosatay.

Dhanka kale, Ehellada haweeneydan ayaa waxay sheegeen in dhowr jeer oo hore loo hanjabay gabadhan, balse si lama filaan maqribnimadii xalay loo dilay, iyagoo sheegay inay dilkeeda geysteen saddex dhallinyaro ah oo wajiga qarsaday.

Si kasta ha ahaatee magaalada Muqdisho ayaa waxaa tan iyo markii uu dhashay sannadkan ka dhacayay dilal qorsheysan oo lala beegsanayo shacabka qaybihiisa kala duwan iyo shaqaalaha ka howgala warbaahinnada dalka, iyadoo aysan jirin cid ay dowladdu u qabtay dilalka saxafiyiinta.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: