Madaxweyne Mwai Kibaki oo kula taliyay dowladda Eritrea in ay taageerto nabadeynta Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa kula taliyey dowladda Erateriya in ay taageerto, isla markaasna ay  gacan ka geeysato nabadeynta dadka iyo dalka Soomaaliya.

Hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa yimid kadib markii ay shalay magaalada Nairobi ku qaabilay Danjiraha dowladda Ereteriya

u fadhiya Nairobi ee dalka Kenya  ayaa kula taliyay dowladda Ereteriya in ay gacan ka geysato nabadeynta Soomaaliya ka hor inta aysan dib ugu soo laabadan xubin nimadii ururgoboleedka Igad oo hore looga saaray.

Sidoo kale Danjiraha Ereteriya ayaa la sheegay in madaxweynaha dalka Kenya uu u gudbiyay farriin uu ka siday dhiggiisa dalkaasi, taas oo uu ku dalbanayo in dib loogu soo celiyo Xubinnimadii Urur goboleeedka Igad, hase yeeshee madaxweynaha Kenya ayaa ku celceliyay in lagama maarmaan ay tahay in Ereteriya ay marka hore taageerto Nabadeynta Soomaaliya isla markaana ay gacan ka geeysato sidii loo xasil lahaa Soomaaliya.

Soda la wada ogsoon yahay waxaa Dalka Ereteriya hore looga saaray xubinnimada ururgoboleedka Igad oo ay ku mideeysanyihiin waddamada Africada Barri, kadib markii lagu eedeeyay in ay taageerto kooxda argagixisada ah ee Shabaab ee dhibaatadda ka wadda dalkeenna hooyo.

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: