Ciidamo kasoo goostay kooxda Al-Shabaab oo maanta lagu soo bandhigay degmada Wanlaweyn.

Ciidamo la sheegay in ay katirsanaayeen kooxda Al-Shabaab ayaa maanta lagu soo bandhigay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Sh/Hoose, kuwaas oo la sheegay in qaarkood ay isku soo dhiibeen ciidamada dowlada, halka kuwa kalana gacanta lagu soo dhigay.

Maleeshiyaadkan Al-Shabaab katirsanaa ee lagu soo bandhigay Degmada Wanlaweyn ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay ilaa 28-Nin, kuwaas oo qaarkood watay hubkii ay ku dagaalamayeen, sida ay sheegeen saraakiisha dowlada oo ka hadashay halkii lagu soo bandhigay.

Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn oo sidoo kale ka hadlay goobtii ragan Al-Shabaab katirsanaa lagu soo bandhigay ayaa sheegay in qaarkood ragan ay kusoo qab qabteen Howlgalo ay ka sameeyeen Degmada Wanlaweyn, halka kuwa kalana ay isku soo dhiibeen ciidamada dowlada.

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay raga katirsan Al-Shabaab ee wali ku dhuumaaleesanaya Degmada Wanlaweyn in ay isku soo dhiibaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya, ayna nabada qaataan, anagana waxaan u baan qaadeynaa ayuu yiri in aanu soo dhaweyn doona cid alla oo kasoo baxda kooxda Al-Shabaab sida uu sheegay Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn.

SomaliSwiss Wanlaweyn

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: