Howlaha Mataaneynta Magaalooyinka Istanbuul Iyo Muqdisho oo la sheegay inuu bilaabmay.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa faah faahin ka bixiyey Mashaariic dib u dhis casri ah oo lagu sameynayo waddooyinka caasimada Muqdisho, kaasi oo ay maal’galineyso dowladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga.

Afhayeenka ayaa Warbaahinta Qaranka kula hadlay halka uu ka socdo dib u dhiska waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Mashruucaani uu Maal’galinayo Company laga leeyahay dalka Turkiga, isla markaana ay fulineyso shirkad Soomaaliyeed, kaasina uu yahay wajiga koobaad ee mataanneynta magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbul.

Sidoo kale Afhayeenka wuxuu sheegay in arintaani ay ka dambeysay kadib markii uu booqasho ku tagay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga Guddoomiyaha gobolka Banaadir kaas oo balan qaadyo ku aadan mataaneynta Istanbuul iyo Muqdisho ka soo helay dowladda Turkiga.

Dhanka kale Afhayeenku wuxuu ammaan ballaaran u jeediyey ciidamamda ilaalada waddooyinka ee taraafikada isla markaana sida wacan u kala haga gaadiidka iyo dad weynaha isticmaala waddooyinka uu ka socdo dib u dhiskani xoogga leh.

Sida aad la socotaan mudooyinkan dambeyay waxaa magaalada Muqdisho ka socday hormar balaaran, kaas oo dib u dhisayo wadooyinka iyo goobaha kale ee ku burburay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hormail.com

%d bloggers like this: