Dawlada Ingiriiska oo dhalashada wadankeeda kala laabatay dad Soomaali ah oo lagu eedeeyey in ay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab.

Wargeyska The Mail on Sunday oo ka mid ah wargeysyasaka soo baxa  wadanka Biritain ayaa lagu soo qoray in wasaarada arimaha gudaha wadanka UK ay dib ugala laabatay jinsiyadii dhalashada Biritain qof muslim ah oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya, kaasi oo looga shakiyay inuu xiriir dhaw ah la leeyahay Xarakada Al-shabab.

Sagaal go’aano oo ay soo saartay wasarada arimaha gudaha wadanka Biritain ayaa lagu sheegay in dadka waxyaabahasi oo kale looga shakiyo laga qaadayo sharci ku jogista wadanka UK ama jinsiyada qofkaaas la siiyey, sidaas waxaa laga soo xigtay wasiirka arimaha gudaha wadanka Britain Mrs taresa may.

Wargeyska The Mail on Sunday ayaa sidoo kale sheegay in mahdi xaashi oo 23-sano jir ah oo Soomaali ah, laga joojiyey in la siiyo Baasaboorka wadanka Britain iyo taagero uu ka helo qunsuliyada Britain ay ku leedahay wadanka Jabuuti, si uu ugu laabto wadanka Britain,waxa la rumaysan yahay in mahdi uu kui xiran yahay wadanka jabuuti.

Mrs taresa may ayaa sheegtay in ay go‘aano uga soo saartay shaqsiyaad muslim ah oo kasoo jeda wadamo kale sida mahdi laga qaday aqoonsiga wadanka UK.

Jariidada ayaa tilmaantay in mahdi iyo qoyskisa ay 18-sano ku nolayan gudaha wadanka Britain, balse sannadkii 2009 ay dib ugu laabteen magalada Muqdisho.

Sidoo kale Mrs taresa may ayaa goa’anadas la soo saaray oo qoraal ah u dirtay sirdoonka wadankas kaas oo ku qornaa in Mahadi uu xiriir laleeyahay kooxda al-shabab ee soomaaliya, sidaas darteed wuxuu  qatar  ku yahay amnida Wadanka Boqortooyada UK.

Dhanka kale tiro muwadinin soomaali ah ayaa wxa ay ka qeyb qaten weeraradii sanadkii 2005-ta ka dhacay magalada london ee casimada wadanka Britain.
SomaliSwiss       London

SomaliSwiss@hormail.com

%d bloggers like this: