Kooxda Al-Shabaab oo ugu hanjabtay dowladda Kenya in ay Qaraxyo ka geysan doonto gudaha dalkaasi.

Xarakada Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay ka gudaha dalka Kenya ka geysan doono qaraxyo aargudasho ah, iyadoo xustay inay go’aansatay in Kenya ay ka shalaydo go’aankii ay ku gaartay inay gudaha u soo gasho dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa hadalkan ku sheegtay bogga ay Twitter-ka ku leedahay waxayna sheegtay inay kaga jawaabayso qabsashadii ay Al-shabaab qasatay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo ahayd saldhigga ugu weyn ee Al-shabaab ay lahayd.

Warbixinta Al-shabaab ee ay ku soo qortay  boggeeda Twitter-ka ayaa waxay ku tiri: “Kenya waxay ka shaleyn doontaa go’aanka ay qaadatay ee ay kula dagalaamayso mujaahidiinta Soomaaliya, iyadoo shalaynaya ayay barooran doonaan .”
Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in Askar fara badan oo ka tirsan howgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo ku sugan gudaha Soomaaliya ayaan dagaal kula jirnay, balse  Kenya ayaa bishii Oktoobar ee sannadkii hore ay si iskeed u go’aansatay inay soo gasho Soomaaliya si ay ula dagaalanto Al-shabaab.

Warka ay Al-shabaab ku soo bandhigtay ayaa waxaa lagu yiri: “Mujaahidiintu way sii wadi doonaan dagaalka inta ay guulo ka gaarayaan, waxaana naga go’an inaan qaraxyo waaweyn ka geysanno dalka Kenya”

Ciidamada Kenya oo caawinaya kuwa dowladda Soomaalida ayaa waxay ku sugan yihiin deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose, kuwaasoo ay ku jirto magaalada Kismaayo oo ay horraantii bishan ka qabsadeen Al-shabaab.

Sida la wada ogsoon yahay Xarakada Al-shabaab ayaa waxay sannadkii 2010 qaraxyo waaweyn oo dad badan ay ku dhinteen ka geysatay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, kuwaas oo ay ku sheegtay inay ahaayeen aargudasho ay uga jawaabayaan dhibaatooyinka ay ciidamada huwanta ah ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hormail.com

%d bloggers like this: