Ra’isal Wasaaraha Dowladda Soomaaliya oo la filayo inuu ku dhawaaqo Magacaabista Golaha Wasiirrada

Ra’isal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa la sheegay inuu ku guda jiro wadatashadiisii ugu dambeeyay ee uu ku dhawaaqi lahaa magacaabida golihiisa wasiirrada, inkastoo aan la ogeyn waqtiiga rasmiga aha ee uu ku dhawaaqayo.

Wararka ka soo baxaya Xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya inuu ka socdo Xafiiska  ra’iisul wasaaruhu shirar uu la leeyahay qaybaha kala duwan ee bulshada, wuxuuna  kala tashanayaqaabka ay doonayaan inay noqoto maamul wanaagga xukuumadda uu soo dhisayo.

Qaar ka mid ah howlwadeennada madaxtooyada Soomaaliya oo diiday in magaciisa la sheego ayaa Warbaahinta u sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu dadaal badan ugu jiro inuu soo dhiso gole wasaaradeed oo tayo leh, si ay isbedel deg-deg ah ugu sameeyaan xaaladda dalka uu ku sugan yahay.

Sida la wada ogsoon yahay Ra’iisul waasaraha Soomaaliya  Mudane Saacid ayaa u sheegay xildhibaannada Baarlamaanka markii uu kalsoonida helay inuu soo dhisi doono dowlad tayo leh oo tiro yar, isagoo si gaar ah u sheegay in xukuumaddaas ay xoogga saari doonto sugidda ammaanka guud ee dalka iyo dib u dhiskiisaba.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii koowaad ee Ciiddul Adxa ka sheegay Muqdisho inuu socdo daaalka lagu soo dhisayo xukuumadda, taasoo uu sheegay inuu rajeynayo inay noqoto mid dalka u horseedda nabad iyo baraare.

Si kasta ha ahaatee Soomaaliya ayaa bishii Ogoosto ee sannadkan ka baxday xilligii KMG-ka ahayd ee ay kusoo shaqeynsay 12-ka sano, iyadoo la doortay madax cusub, kuwaasoo ballan-qaaday inay horseedi doonaan in shacabku ay si toos ah u  soo dooran doonaan hoggaamiyeyaashooda marka ay dhamaato afartan sano ee ay dowladdan jiri doonto.

SomaiSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: