Wasiirka arimaha dibada dalka Uganda oo shaaca ka qaaday in aysan Soomaaliya u joogin hab dhaqaale raadin ah.

War ka soo baxay wasiirka arimaha dibada dalka uganda Mr Sam Kutesa oo dhinacyo badan taabanaya ayaa lagu soo daabacay wargeska Sunday Monitor oo ka soo baxa wadanka Uganda, isagoo ka soo xigatay wareysi dheer ee siiyay warbaanta, wuxuuna si aad ah uga hadlay arimo la xiriira hawgalka ciidamada midnimada afrika ee Amisom, gaar ahaan Ciidamada uganda.

Sidoo kale Wargeeska wuxuu diirada ku saaraayay wareysiga ay wasiirku la yeeshen dhan ka arimaha dhaqaalaha wadankaasi uu dood badan ay ka taagan tahay sida loo wajaho lacagaha la siiyo askarta dib ugu laabata wadankasi Uganda ee ka dagaalamaya Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada Uganda kaga sugan dalka Soomaaliya aysan ahayn kuwo dhaqaale raadis ah, waxana wasiirka arimaha dibada wadanka uganda Sam Kutesa uu tilmaamay in ciidamadooda ay yihiin kuwo taagero ka helaya ururka midawga afrika.

Dhanka kale Wasiirka arimaha dibada wadanka uganda ayaa sheegay in ciidamada uganda kaga sugan somalia ay yihiin kuwo dalka somalia u jooga sidii nabad ay ugu soo dabali lahaayen dalka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii Mr Sam Kutesa wuxuu tilmaamay in Dawlada ugandha ay u istaagtay sidii ay Soomaaliya cagaheeda iskugu taagi lahayd.

SomaiSwiss    Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: