Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo Maanta soo Bandhigay qof mayd ah ee ay toogteen, kadib markii uu soo weeraray Saldhig Ciidan.

Hoggaanka Taliska ciidanka booliiska gobolka Banaadir ayaa saakay oo Axad ah soo bandhigay maydka wiil dhallinyaro ah oo la toogtay, kaas oo ay sheegeen inuu xalay bam-gacmeed ku weeraray saldhig ay ciidanka booliisku ku leeyihiin xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.

Jen. Cabdullaahi Xasan Bariise aya oo ah  Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya, ahna taliyaha hoggaanka dambi-baarista booliiska ayaa warbaahinta u sheegay in qofka la toogtay uu bambaano ku weeraray xalay fiidkii saldhig ciidan oo xaafadda Towfiiq ku yaalla.

Afhayeenku wuxuu caddeey in qofkaas ay toogteen ciidamadii uu bambaanadalagu soo weeraray, wuxuuna intaas uu raaciyey  inaysan jirin wax khasaare ah oo ay ciidamadu u geysatay bam-gacmeedkii uuqofka la dilay soo tuuray.

Sida ay sheegeen Ciidanka boliiska in Degmada Yaaqshiid ay ka mid tahay degmooyinka inta badan ka ay dhacaan iska horimaadyada iyo falalka ammaan-darro ee ay geysanayaan kooxaha xiriirka la leh Al-shabaab, waxaana falkaas ay galaafteen dad aad u fara badan oo ay ku jiraan wariyeyaal.

Gabagabadii Afhayeenka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay inqofka la dilay uu ka tirsan yahay Al-shabaab, inkastoo aysan jirin hadal ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku saabsan in qofkan uu ka tirsanaa xoogaggooda iyo inkal.

SomaiSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: