Munaasabad loogu hadlay Taxanaha Taariikhda Soomaaliyeed oo xalay ka dhacday magaalada Zürich ee wadanka Switzerland.

                       Halkaan ka akhri

Mudane Cabduqaadir Cali Boolay waa qoraa Sare oo muddo dheer goobjoog u soo ahaa dhacdooyinka taariikheed ee ka dhacay geyida Soomaaliyeed

Sidaas darteed waxaa Cabdulqaadir Boolay ku soo Casumay Kanton Zürich, qaar ka mid ah Jaaliyadda ku dhaqan, si ay uga faa’ideysataan waaya aragnima uu u leeyahay heerarka ay soo martay Taariikhda Umadda Soomaaliyeed, waxaana qabashada munaasabadda kulankan soo abaabulay koox uu horseed u ahaa Mudana Cabdalla Saciid.

Ugu horreyntii Mudane Cabduqaadir Cali Boolay ayaa wuxuu hadalkiisa ku billaabay ee uu yiri: “Waxaa ii faraxd ah in aan Caawa in magaalada Zürich aan kula kulmo dad Soomaali ah ee doonayo in Taariikhdooda wax ka ogaada, balse dadkii xalay munaasabaddaas ka soo qayb galay uu si qoto dheer uga hadlay halganka taxanaha Taariikhda Soomaaliya iyo Soomaalida min A-Z.

Sidoo kale qoraa sare Cabdulqaadir Boolay wuxuu ka hadlay heerkii kala duwanaa ee halganka Soomaalida ay la soo gashay Gumeystiyaashii dhulka soomaaliyeed kala qaybsaday, balse wuxuu si gaar ah uga hadlay Ururradii waqtigaa ka jiray geyiga soomaaliya sida, Ururka SYC oo muddo ka dib u xuubsiibtay urur siyaasi ah oo la magac baxay S.Y.L kaas oo dhidhibadda loo dhigay taariikhda marka ay ahayd 15.05.1943kii oo ay ku kulmeen dhallin yaro ka kooban 13 qof, kuwaasoo ahaa dhallinyaraddii fahmay dhibaatooyinka iyo hagar daamadda gumeysiga.

Sida uu sheegay Boolay dhallinyaradan waxay aad u diidanaayeen siyaasadda gumeysiga oo ahayd qaybi oo xukun, waxayna si weyn isaga xil-saareen, sidii shacabka soomaaliyeed xornimo taam ah loo gaarsiin lahaa . Ururkaani baaqiisu wuxuu ahaa soomaaliyeey toosooy iyo qabiil qaran ma dhiso iyo kuwa kale oo xambarsanaa qiiro wadaninimo , kuwaaso shacabka soomaaliyeed ku abuuri jirtay qiiro waddaniyada jaceel iyo gumeysi naceeb .

Muddo yar ka dib ururkaasi SYL wuxuu ku talaabsaday guulo la taaban karo ayuu yiri Mudane Boolay, isla markiiba waxaa la soo bandhigay baaq qoraal ah oo ku xusan in la helo soomaali weyn oo mideysan iyo in la joojiya dhibaatadda qabyaaladda ay u leedahay horumarka iyo midnimadda ummadda soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan ayuu yiri, Mudane Boolay in markii ay taariikhdu ahay 17/08/1946kii odayaashii SNL oo ay ka mid Suldan Mohamud Shire, Suldaan Ali Muse , Suldaan Mohamed Faarax iyo Suldaan Hersi Abdillahi in ay warqad u qoreen Colonail Office , Downing street London S.WI waxay dawladda ingriisa ay ka codsadeen in soomaali mideysan uu gaarsiiyo xornimo maadaama uu ingriisa gacanta ku hayo, Somaliland territory, Somali South Territor ,Somali Ogaden Territory , Somali NFD territory.

Waxayna ka codsandeen Colonial Office in qaybta France uu gumeysta oo ah Djabouti inuu ingriiska gorgortan la galo dawlada france sidii loo helo soomaali weyn , isla markaasina waxay ducoment ku cadeeyeen in aysan marna raali ka noqon doonin in soomaali la qayb qaybiyo.

Sidaas awgeed Odayaasha dhaqanka waqooyiga Soomaaliya ayaa si aad ah uga shaqeynayey mideynta soomaalia waxay markii ay taariikh ahayd 17/07/1947kii ay warqad u qoreyn The war Office – London , iyaga oo ingriisa ka codsaday maadaama ummaada soomaaliyeed 5 qayb loo qaybiyey :- British, Fraance , Italia iyo Ethiopian sidii loo helo somaali-weyn oo mideysan.

Intaas kadib Wuxuu Mudane Boolay uu sheegay in la sameeyey Guddi afarta ah waxay bilaabeen in ay dhegeystaan fikraddahii iyo warbixinadii xisbigii SYL iyo Axsaabtii tiradda badaneyd ee dalka ka fureyd , kuwaas kala ahaa :

Somali Youth League (S.Y.L), Hamar Youth Club (HYC), Patriotic Beneficient, Union The Arab Community, The War Veterans,  Comitato Rappresentativo Italiano, Ururka la magac baxay patriotic Benefiecient Union ay isku bahaysteen 7 urur oo yar yar oo lagu tiriyo in ay gacan saar la leeyihiin talyaaniga (Pro-Italia) , kuwaas oo dhamaan ka soo horjeedday iraadii shacabka soomaaliyeed oo ahaa in la gaaro xornimo, iyaga oo ku andacoonaayey in ay shacabka soomaaliyeed maanta diyaar u ahayn in xornimo la gaarsiiyo loona baahan yahay in muddo 30 sannadood in lagu jiro gacanta Talyaaniga.

Guddigii ka socday 4tii dawladood oo wakiilka ka ahaa United Nation taariikhda markii ay ahayd 20/01/1948 la kulmeen Guddigii matalaayey xisbigii SYL oo warbixintiisa xambarsaneyd himilooyinkii iyo rabitaankii shacabka soomaaliyeed.

Sidoo kale Mudane Boolay wuxuu caddeeyey in is wada jir ah xisibiyadda SYL (south) iyo SNL(North) waxay u gudbiyeen fikraddooda oo ku sabsaneyd rabitaanka ummadda soomaaliyeed in ay hesho xornimo taam ah.

Qoraalkaasi waxaa U.Nation ka u gudbiyey Muddan Maxamoud Jaamac Uurdoox oo qoraalkiisa ku cadeeyey in 90% shacabka soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin in ay helaan soomaali mideydsan oo xor ah . Isla markaasina waxay 4ta dawladdood ka codsandeen in ummadda soomaaliyeed in ay gaarsiyaan muddo 10 sannaddood xornimo taam ah, taasoo ujeeddadeedu ahayd in la diyaariyo hogaankii maamuli lahaa dawlada dhalan doonta.

 Qoraa Sare Mudane C.A. Boolay wuxuu sheegay in Mudane Cabdullahi Ciise Maxamoud isagoo wakiil ah SYL iyo xubnaha kale waxaa warbixintiisa United Nation hortiisa ka soo jeediyey uu ku caddeeyey in si deg deg ah oo aan shuruud aan ku xirneen ummadda soomaaliyeed loo guddoonsiiyo madaxbanaanideedda iyo inta himiladaasi laga gaarayo afarta dawladood oo xoogga waaweyni ay si wadajir u maamulaan dalka , iyagoo ka wakiil ah Qaramada Midoobay.

Guddigii 4ta dawladood markii ay dhageysteen warbixinaddii kala duwanaa ee ay ka kala soo jeediyeen axsaabtii dalka ka jirtay, kuwaaso ay u kala qaybsanaayeen kuwa xornimadood ah iyo kuwa ka soo hor jeedda , hase yeeshee guddigii markii uu arkay banana baxii weynaa ee ay soo qabanqaabisay xisbigii SYL iyo SNL , iyo wakiiladdii ka socoday Somali galbeed , NFD iyo Djabouti ee ku sugnaa Muqdisho , kuwaasoo taageero ka heysta dadweynaha soomaaliyeed oo muujiyey in ay rabaan xornimo.

 Kadib markii ay  guddigaasi arkeen bananabaxaasi , waxaa u cadaatay in shacabka soomaaliyeed uu rabo madaxbanaani taasoo ay warbixitoodina ay ku ayideen in shacabka soomaaliyeed inuu hanto xornimadiisa .

Ujeeddooyinka ugu weyn ee xisbiga SYL iyo SNL wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn hase yeeshee dhibatada ugu weyn waxay dhacday markii SYL ay diideen in Ingariiska gacanta loo geliyo inuu soomaaliya gaarsiiyo xornimo, taaso dawladda ingriiska uu ka careesisay , qorshihii SYL oo ahaa soomaali weyna uu ingariisa cagta mariyey diidmada la diiday awoogeed.

Sidaas darteed Ingariiska oo aargoosi ahaan u sameeyey in soomalia 2 qayb oo ka mid ah uu gacanta u heliyey dalka Ethiopia iyo Kenya; Runtii Reer galbeedka iyo marekanka waxay diidanaayeen in Ruushka uu fara gelin ku yeesho Afrika , maadaama uu Ruushka uu ka mid ahaa 4ta dawladood ee ku guuleysatay dagaalkii 2aad ee adduunka.

Dhanka kale United Nation waxay ku taliyeen maadaama shacabka soomaaliyeed ay raali ka yihiin dawaladda talyaaniga in loo dhiibo koonfurta soomaaliya muddo 10 sannadood ah lagu gaarsiyo xornimo.

Sidaasis darteed waxaa United Nation ka ay soomaaliya u soo direen 4 dawladdood oo kala ah Egypt,Liberia, Philipin iyo Colombia si ay u kontoroolaan maamulka talyaaniga sannad walbana ay u gubiyaan warbiintoodda United Nationka.

Guushii halgankii SYL mirihiisii waxaa la gurtay 1960kii markii 1dii Luulyo aay qarannimada qaadatay Koonfurta Soomaaliya oo ay na la midowday waqooyiga Soomaaliya oo koonfurta ka horeeyey oo xornimadoodii ka qaatay Ingriiska 26dii Juun 1960kii, waxaana dhalatay markii taariikhda marka ugu horreysay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Hase yeeshee waxaa nasiib daro ah in qaranimadii iyo midnimadii loo soo tacab beelay naf iyo maalba loo huray ay si fudud gacmaheynu uga baxday ka dib markii ay burburtay dawladdi dhexe ee Militariga dalka ka jirtay, ka dib dalka iyo dadkuba ay galeyn marxaladdo adag oo sababay dhimasho iyo bara kaca oo aan xad lahayn.

Si kasta ha ahaatee ayuu yiri Mudane Boolay Dawladda maanta inoo dhallatay oo hogaanka u haayoaan Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, Guddoomiyaha barlamaan Raiisalwasaare Saacid, ayaa waxay ummadda soomaaliyeed ka filayaan inay cadaalad iyo sinaan ku maamulo si ay umadda Soomaaliyeed dib ay u hesho midnimo qaran.

Waxaan ilaahay uga baryeena ayuu yiri Mudane Boolay inuu dhibaatadda ka qaado ummadda soomaaliyeed , colaadana nabad galyo ugu bedelo , abaartana barwaaqo ugu bedelo, cudurkana caafimaad ugu bedelo maxaa yeelay dhibaatadda qof walba ayay taabatay Soomaalida  ku nool gudaha iyo dalka dibaddiisa.

Si kasta ha ahaatee dadka qurba jooga ah waxay halis u yihiin in ay lumiyaan heybtoodda ama ay dhalin-rogmaan haddii aan la helin dawlad soo celisa qaranimaddii iyo sharaftii umadda Soomaaliyeed ay dhaqan ahaan u lahayd.

SomaliSwiss Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: