Madaxweyne Xasan Sheikh oo shaaca ka qaaday in dib u habeeyn guud lagu sameeynayo hey’adaha dowladda.

Madaxweynaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta caddeeyey  in dib u habeeyn guud lagu sameeynayo hay’adaha Dowladda, si loo soo celiyo heykal dowladeed oo dhameystiran.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey Xaflad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa tilmaamay in xilligan ay Madaxda sare ee Dalku ku mashquulsan yihiin dhisidda Xukuumadda sidaasi darteedna si loo soo celiyo haykalkii Dowladnimo ay lagama maarmaan tahay in dhammaanba hay’adaha Dowladda dib u habeyn lagu sameeyo.

Prof. Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: ’’waxaan ku jirnaa dhismaha heykalkii dowladnimo waxaan noo sameeysneeynna waxaan isku dayeeynaa inaan sameeyno wixii noo sameeysanna waan sii hagaajineynaa, wa inaan la nimaado isbedel iyo wax ka duwan wixii hore ee la arkay faa’iido darridooda.’’

Sidoo kaleMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.ayaa tilmaamay in isbedel lagu sameeyo hey’adaha dowladda ay dhabbaha u xaaridoonta helidda nidaam wanaagsan oo ku dhisan caddaalad iyo isxisaabin kaas oo bulshada u cuntami kara, waana tan kaliya ayuu yiri ee lagu gaari karo horumar dhibaatadana looga bixi karo.

SomaliSwiss Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: