HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE
Halkaan ka akhri
Munaasabadda Ciidul Adxa, ayaa maanta waxaa si isku mid loogu wada Ciiday dhammaan wadamada Caalamka Islammka iyo wadamada kale oo Islaamka ku yar yahayba, balse waxaa xusid mudan in gobollada dalka Soomaaliya oo idil laga dareemay mid ahaansha Diineed ee dadka Soomaaliyeed, waxayna Ciidan noqtay mid si reynreyn iyo Farxad leh loogu wada Ciiday dalka dhan oo ay ugu horreyso Caasimada Muqdisho.
Wararka iska soo daba dhacaya ee la xiriira Farxadda Ciidul Adxaga, ayaa sheegay in maanta laga wada Ciiday Muslamiinta ku nool Wadamada Reer Yurub.
Sidoo kale Muslimiinta ku nool Magaalooyinka waaweyn ee dalkan Switzerland oo idil ayaa si weyn looga dabaaldegay ciidul Adxaga sida: Magaalooyinka Zürich, Berna, San Gallen, Lausanne, Jeneve iyo kuwa kaleba.
Muslamiinta ku nool Magaalada Zürich ayaa Saakay u dareereen degmada Dietikon ee hoos timaada Kanton Zürich, halkaas oo lagu ballansanaa in si wada jir ah loogu Tugto Salaada Ciidul Adxa, sidaas awgeed, Muslamiin Kanton Zürich, iyagoo isku duuban yar iyo weyn, Rag iyo Dumar ayaa si farxad iyo reynreyn ah ugu wada ciideen goobta loogu talagay inay ku kulmaan.
Hase yeeshee waxaa jiray dad kale oo u mahad celinayey Maamulka Sare Muslamiinta Kanton Zürich, Sida ay isugu soo dubarridka Barnaamijka Ciidul Adxa.
Gabagebadii Muslamiinta ka soo qayb gashay Farxadda Ciida ayaa waxay is dhaafsanayeen Tahniyado, iyago midba mid kale u rajeeynayey in sandkan, sanadkiisa ay dhammaan Muslamiinta meel kasta ay joogaan, caafimaad qab ku gaaraan.
SomaliSwiss Zürich
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.