Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Munaasabadda Ciidul Adxa ugu hambalyeeyey Shacabka Soomaaliyeed meel-kastoo ay joogaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa maanta guud ahaan ugu hambalyeeyey Munaasabadda Ciidul Adxa  umadda Muslimiinta ah  iyo shacbiga Soomaaliyeed  meel-kastoo ay ka joogaan iyo caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dalka oo shacbiga Soomaaliyeed u mariyey fariin uu ugu talagalay Munaasabadda Ciida Warbaahinta Qaranka ayaa yiri “ dhamaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka kaga nool yihiin waxaan leeyahay CIID WANAAGSAN CIID MUBAARAK waxaana Alle ka rjeynayaa inuu Umadda Soomaaliyeed uu sanadkaan sanadkiisa ku gaaro nabad”

Sidoo kale Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa umadda Soomaaliyeed ka codsaday iney fadliga Ciidul Adxa ay isku cafiyaan oo ay usoo jeestaan aayaha Dalkooda si hormar loo gaarana ay tahay lagama maarmaan in Umaddu is cafiso.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay hada heystaan fursad qaali ah taasina loo baahanyahay in laga wada faa’ideysto wadada looga faa’ideysan karana ay tahay isku duubni.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa  wuxuu fariin gaar ah  u diray waalidiinta Soomaaliyeed oo uu kaga codsaday iney carruurtooda la qalday u caqli celiyaan oo ay ku soo daraan safka Dowladnimada si ay uga qeyb qaataan hormarka Dalkooda, sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu baaq u diray kuwa weli ku harsan Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab  iney dadkooda ka mid noqdaan.

SomaliSwiss Muqdisho

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: