Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dadweynaha Soomaaliyeed Salaadda Ciidda kula tukaday Masjidka Isbaheysiga ee Muqdisho.

                            Halkaan ka akhri

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta looga ciiday si aad u weyn waxaana ciidaas si wada jir ah uga qayb galay  madaxda ugu sarreeysa dalka, sida  Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Muudane Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha Baarlamanka, iyo R/wasaaraha dalka iyagoo kumannaan dadweyne ah salaadda ciidda kula dukadeen Masjidka Isbaheysiga Islaamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaaddii Jimcaha kadib Masjidka Isbaheysiga kula hadlay Kummanaan Muslimiin ah ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxa, isagoo kula dardaarmay ummadda in ay Alle dambi dhaaf weydiistaan, isla markaana ay u kaalmeeyaan dadka danyarta ah si ay farxadda ula wadaagaan ummadda inteeda kale.

Sida la wada ogsoon yahay Masjidka Isbaheysiga oo ka mid ah Masaajidda ugu waaweyn  ee ku yaala magaalada Muqdisho ayaa waxaa buuxdhaafiyay dadweeyne aad u farabadan, kuwaas oo qaar ka mid ah ay ku tukanayeen Bannaanka Masjidka, iyadoo ammaanka ay sugayeen ciidamada nabadgelyada dowladda.

Waa markii ugu horreeysay ee madaxda dowladda Soomaaliya ay si nabadgelyo ah ula tukadaan shacabka Soomaaliyeed muddo ka badan Labaatan sano.

SomaliSwiss Muqdisho

somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: