Waxaa Waajibka Xajka ee Sannadkan Gudanaya Malaayiin Muslimiin ah oo Maanta ku sugan dusha sare ee Buurta Carrafo.

Waxaa sanadkan Gudanaya waajibaadka xajka malaayiin muslimiin ah , kuwaasoo maanta ku sugan dusha sare ee buurta Carrafa, halkaasoo ay ALLE ku baryayaan.
Muslimiinta sannadkan xajinaya ayaa waxaa ku jira Soomaali fara badan waxaana qaarkood ay sheegeen in dadka Soomaaliyeed ay Alle ka baryayaan in dalkooda uu nabadeeyo sidoo kalena quluubta shacabka Soomaaliyeed uu isku soo duwo.
Qof ka mid ah xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkan xajinaya oo ku sugan Buurta Carafo wuxuu yiri: “Buurta Carrafa ayaa maanta la taagan yahay, halkaasoo Alle lagu baryayo. Dadka dunida isaga yimid waxaa qolo walba ay Alle ka baryayaan inuu culeyska haysta ka fududeeyo. Innagu haddaan Soomaali nahay waxaan Alle ka baryaynaa inaan nabad helno.
Sida la wada ogsoon yahay Xajka ayaa wuxuu ka mid yahay shanta tiir ee Islaamku ku taagan yahay, iyadoo qofka muslimka ah laga doonayo inuu hal mar xajiyo cimrigiisa haddii uu awoodo, iyadoo sannad walba bishan oo kale la guto waajibaadka xajka.

SomaliSwiss       Carafo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: