Ciidamada ka howlgala Gobolka Sh/Hoose oo soo bandhigay hub u keydsanaa kooxda Al-Shabaab.

 Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa soo bandhigay hub ay ka soo saareen saldhig ay si qarsoodi ah ugu lahaayeen maleeshiyadda Kooxda Al-shabaab inta u dhaxeysa Lambar 50 iyo Afgooye.

Qabashada hubkan ayaa ka danbeysay, Kadib  howlgal ay si wada jir ah u filiyeen ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM kana bilaabeen inta u dhaxeyso deegaanada ceelasha Biyaha iyo deegaanka Laanta buuro ayaa waxaa ay gacanta ku soo dhigeen hub iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda shabaab kuwaas oo si qarsoodi ah saldhig ugu lahaa deegaanadaas.

Sida ay ku warrameen Saraakiisha Ciidamada  in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysanaa ee ka billabmay deegaanka ceelasha biyaha, waxayna ku hubeysnaayeen gawaarida gaashaaman iyadoo ujeedka howlgalka uu ahaa mid ay ciidamada ka warqabeen maadama lagu soo wargeliyay in goobtaasi ay saldhig ku leeyihiin maleeshiyada Xarakada Al-shabaab.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay isku gadaamay goobtii ay saldhiga ku lahaayeen Al-shabaab, waxaana goobta ka dhacay iska hor imaad kooban iyadoona halkaasi lagu dilay 10 maleeshiyaad oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo ay ku jireen Ajaanib.

General Gacmadule oo ah Taliyaha hoggaanka iyo howlgelinta ciidamada oo saxaafadda kula hadlay goobtii lagu soo bandhigaayay hubka oo aheyd Curub oo ah goob ay si KMG ah saldhig ugu leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen howlgalka waxa uuna tibaaxay in hubka ay ka mid yihiin Qoryaha fudfud, kuwa cusul iyo banka laga tuuro gacanta.

Taliyaha hoggaanka iyo howlgelinta ciidamada ayaa ciidamada ugu hambalyeyay la wareegidii maanta ay la wareegeen deegaanka Leego halkaas oo laga xoreeyay maleeshiyadda Xarakada Al-shabaab.

SomaliSwiss       Ceelasha Biyaha

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: