Afhayeenka Baarlamanka oo sheegay in dowladnimadu ay ka fadhido taya la’aanta maamulada Agaasimayaasha guud iyo shaqaalaha.

Afhayeenka Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay tahay in laga saxo dowladnimada maamullada ilaa heer agaasimahayaasha guud iyo shaqaalaha ka hooseya.

Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Afhayeenka Baarlamanka Soomaaliya oo ka hadlayay fadhigii 14-aad ee kalfadhiga Koobaad ee Baarlamanka ayaa sheegay in halka ay la’dahay dowladnimadu ay tahay maamullada laga billaabo heer Agaasimayaasha guud, sidaasi darteedna loo baahan yahay in halkaasi laga saxo.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa ka hadlay howsha Baarlamanka, isagoo tilmaamay in Barlamaanku uu xilligan isku hayo howsha aqalka sare iyo tii Baarlamanka wuxuuna xusay in loogu yeero Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata wuxuu hoosta ka xariiqay in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu sii wadi doono howsha Aqalka sare tan iyo inta laga soo dhameeystirayo maamullada gobollada dalka, inta ka herreeysana uu sheegay in loogu yeero Baarlamanka jamhuuriyada Federalka Soomaaliya taasina sida uu sheegay ay tahay qodob dastuuri ah.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: