Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka doodaya Miisaaniyadda Saddexda bilood soo socota ee ay Dowladda ku shaqeynayso.

Xildhibaanada Baarla-maanka Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya miisaaniyadda ay dowladda Soomaaliya ku shaqeynayso saddexda bilood ee soo socota, taasoo ka doodisteeda dib loo dhigay toddobaadkii hore.

Xildhibaan ka tirsan  Xafiiska Xoghaynta Baarlamaanka ayaa u sheegay saxaafadda in Xildhibaannadu ay dhageysanayaan  warbixin ay soo diyaariyeen guddi loo saaray inay kasoo baaraan-dagaan miisaaniyadda, iyadoo markaas kaddibna ay xildhibaannadu aragtiyadooda ka dhiiban doonaan sida ay u arkaan miinaasiyadda.

Sida la sheegay Miisaaniyaddan ayaa gaaraysa in ka badan 37 milyan oo doolarka Mareykanka ah taas oo loogu tala galay in dowladdu ay ku shaqeynayso saddexda bilood ee sannadkan ka dhiman,  iyadoo ay qayb ka tahay miinaasiyaddan kharashaadka ku baxaya xafiisyada madaxda dowladda ugu sarreysa.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in isla maanta codka loo qaadayo miinaasiyadda, kaddib markii la dhageysto warbixinta guddiga shanta xubnood ka kooban ee horay loogu saaray kasoo shaqeynta arritan. SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: