Dr. Cabdiweli Gaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalooyinka Garowe iyo Burtinle.

Ra’isal Wasaarihii hore ee KMG Soomaaliya  Dr. Cabdieli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo oo kasoo kicitimay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug  ayaa cagta soo mariyay deegaano badan oo u dhexeeya Gaalkacyo iyo Garowe. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Goobihii uu maray Dr. C/weli Gaas ayaa waxaa kamid ahaa  degaanada Bacaadweyn, Burtinle,  Jalam, Kalabayr,  iyo degmooyin kale oo dhawr ah, iyadoo dad badan ay isugu soo bexeen wadada weyn ee isku xirta Gaalkacyo iyo Garoowe si ay uga qayb noqdaan soo dhaweynta Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo horay u ahaan jiray Ra’isal wasaarahii dowladii KMG Soomaaliya.

Degmada Burtinle oo ahayd meeshii ugu xooga badnayd ee lagu soo dhaweeyay Cabdiweli Gaas ayaa loogu sameeyey Xaflad weyn oo soo dhaweyn ah, iyadoo ay kasoo qayb galeen dhamaan shacabka masuuliyiinta iyo waxgaradka reer Burtinle, waxaa ayna sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin imaanshaha Dr. Cabdiweli ee Degmadaasi.

Dadweynihii halkaasi kusoo dhoweeyay ayaa waxaa ay halkaasi kusoo bandhigeen Gabayo, Buraanbur iyo Murti kala duwan oo soo dhaweynta qayb ka ahayd.

Dr. Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale markuu gaaray magaalada Garowe waxaa duleedkeeda kusoo dhaweeyey Wasiiro iyo waxgarad kale, iydoo sidoo uu xarunta madaxtooyada Puntland kula kulmay Madaxweyne Cabdiraxman Faroole, halkaasi oo qado sharaf loogu sameeyey,  Dr. Cabdiweli.

Ugu dambeyn Dr. C/weli Gaas waxaa uu gurigiisa kula kulmay Suldaan Siciid Maxamed Garaase, intaasi kadib isaga iyo wafdigiisa waxaa ay usoo ruqaansadeen dhanka qasriga loogu talagalay martida ee magaalada Garoowe ku yaala.

SomaliSwiss Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: