Ciidamada AMISOM oo sheegay inay gacanta ku dhigeen haweeney Hoggaamiye ka ahayd Al-shabaab iyo Bam Gacmeed Xalay lagu Weeraray Saldhigga Kismaayo.

Ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 72 dagaalyahan oo ka tirsan  Xarakada Al-shabaab ay ku qabteen baaritaanno ay ka sameeyeen degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kuwaasoo ay ka mid ahayd haweeney hoggaamiye ah.

Col. Cyrus Oguna  oo ah Afhayeenka milateriga Kenya, ayaa sheegay in haweeneyda ay qabteen lagu magacaabo Maryan Ciise Maxamed ayna ka mid ahayd haweenka ka tirsan Al-shabaab ee hoggaamiyeyaasha ah, balse lama caddeynin inay hoggaamin jirtay dagaallada iyo in kale.

Afhayeenka milateriga Kenya oo arrintaas ka hadlayey ayaa sheegay in baaritaanno guri-guri ah ay  Kismaayo ka sameeyeen laga soo billaabo 21-ka ilaa 23ka bishan Oktoobar, waxaa gacanta lagu soo dhigay 72 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan iyo hubkooda.

Sidoo kale Saraakiisha dowladda iyo kuwa AMISOM waxay sheegeen in howgalladu ay sii socon doonaan inta guulo la taaban karo laga gaarayo howgallada looga horjeedo Al-shabaab ee ka socda Jubbooyinka, balse Col. Oguna wuxuu sheegay in xaaladda ammaan ee Kismaayo ay tahay mid hadda la isku halleyn karo.

Dhanka kale, afhayeenka milateriga Kenya wauxu ka hadlay iskahorimaadyo dhexmaray ciidamada Kenya iyo kuwa Al-shabaab, isagoo sheegay in Isniintii lasoo dhaafay uu isku dhac ka dhacay meel ku dhow xuduudda Soomaaliya iyo Kenya., waxaana dagaalkaas uu qarxay kadib markii Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadday ciidammo Kenyan ah.

Warar kale ayaa sheegaya in xalay weerar Bambaano ah  lagu soo qaaday Saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo, iyadoona kooxaha weerarka fuliyay ay ilaa dhowr bambaano ku tureen gudaha iyo afaafka hore ee saldhiggaasi.

Mid kamid dadka ku dhaqan xaafadda Calanleey oo ah halka uu weerarka ka dhacay ayaa Warbaahinta  u sheegay in bambaanooyin lagu weeraray saldhigga magaalada, wuxuuna xusay in ciidamadii ku sugnaa saldhigga ay rasaas badan fureen kadib markii uu weerarka dhacay.

Si kasta ha ahaatee Saraakiil katirsan ciidamada dowladda ee Kismaayo ayaa ka gaabsaday inay ka warbixiyaan dhacdadaas.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: