Advertisements

Xogayaha arimaha dibadda dalka Mareykanka oo sheegtay in lacag dhan 58 million oo doolar ay ugu yabooheen Waddamo ay kamid tahay Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Xogayaha arimaha dibadda dalka mareykanka Hillary Cilinton ayaa waxaa ay ku sheegtay in dowladeeda ay waddamo ay kamid tahay Soomaaliya ay ugu yaboohday lacag dhan 58 million oo doolar, si loo sii yareeyo dhibaatada abaareed ee ka jirta wadamada ku yaala Bariga Africa.

Sidoo kale Xogayaha arimaha dibadda dalka mareykanka Hillary Cilinton waxay sheegtay in lacagtan lagu iibin doono cunno gargaar ah, islamarkaana la gaarsiinayo malaayiin qof oo ku nool qaaradda Africa siiba soomaalida qaxootiga ku ah dalka Kenya iyo kuwa kale eeku barakacsan gudaha dalka Soomaaliya.

Hillary Cilinton ayaa waxay warsaxaafadeedkeeda  ku sheegtay in lacagtan yabooha ah ee gaareysa 58da million ee doolarka mareykanka ah ay qeyb ka tahay 1.3 billion oo dowladda mareykanka horay ay u bixisay kuwaas oo loogu gar gaaray dad ku dhibaateysan wadamada Somalia Kenya, ethopia iyo jubuuti.

Warbixinta ay soo saartay Hillary Cilinton  ayaa lagu caddeeyey in dadka ku nool dalka Soomaaliya qaarkood ay weli la daala dhacayaan dhibaatadii ay ka dhaxleen abaartii sanadkii hore, waxana ay sheegtay in mareykanku uu jecelyahay inuu arko hooyo iyo aabo iyo cunugooda oo caafimaad qab ay ku noolaadaan taasina ay lama huraan ay tahay in fursad ay u helaan.

Sida la rumeysan yahay Dowladda Mareykanka ayaa ka mid aheyd dalalka lacagaha badan ugu yaboohay Soomaaliya sanadkii hore oo gobollada  koonfureed iyo bartamaha Soomaaliya ay ka dhaceen abaro xoogan.

SomaliSwiss      Washington DC

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: