Advertisements

Kooxda Al-Shabaab oo ku hanjabtay in ay Qaraxyo ka geysan doonaan meelo muhim ah oo ku yaalla gudaha dalka Ingriiska.

Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa ku hanjabtay inay qaraxyo ka geysanayso meelo muhim ah oo ku yaallo gudaha dalka Ingriiska, taas oo ay sheegeen inay jawaab u noqonayaan dagaalka ay kula jirto Islaamka iyo u gacan gelintii Abuu-Xamsa dowladda Mareykanka.

Waxaa warbixintan  lagu daabacay bogga ay Al-Shabaab ku leedahay Twitter-ka, kaas oo lagu sheegay inay qaraxyo halis ah ka geysan doonaan dalka Britain, inkastoo aysan jirin magaalo ay si gaar ah u cayimeen in ay bartilmaameed ka dhiganayaan.

Caasimadda dalka Ingriiska ee Lonon ayaa waxaa 07 July, 2005 ka dhacay qaraxyo waaweyn oo ay ku dhinteen 52-qof, kuwaasoo ka dhacay goobo ay ka mid yihiin goobaha basaska laga raaco iyo jidadka ay tareennadu maraan ee dhulka hoostiisa ku yaalla.

Warbixinta Al-shabaab ay ku soo qortay boggooda Twitter-ka ayaa waxaa lagu yiri: “Britain waxay qayb weyn ku leedahay dagaalka looga horjeedo Islaamka. Waxayna dhibaatooyin u geysatay dad Muslimiin ah oo aan waxba galabsan,”.

Sidoo kale hanjabaadda ay soo saartay Al-Shabaab ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo dowladda Britain ay saddex ka mid ah Muslimiinta dalkaas u xirxirtay in ay wadeen qorshe ay ku doonayaan inay qaraxyo la mid ah kuwii dhacay bishii July 2005 ay ka geysan rabeen London.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa waxay dagaal kula jirtaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga AMISOM oo tiradoodu gaarayso 17,000 kuwaasoo ka socda dalal dhowr ah oo ay ku jirto dowladda Jabuuti, waxaana Al-shabaab ay tan iyo sannadkii hore luminaysay dhul ay awood badan ku lahayd oo ay ka mid tahay Kismaayo.

Si kasta ha ahaatee Kooxdan ayaa waxay xiriir la leedahay Ururka Xag-jirka ah ee  Al-Qaacida  waxayna horay ay u sheegteen qaraxyadii ka dhacay sannadkii 2010 magaalada Kampala ee dalka Uganda, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 70-qof.

Xogta Warka:     Twitter-ka

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: