Advertisements

Ra’isal Wasaare Saacid oo Xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar kamid ah Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

Ra’isal Wasaaraha Dowladda Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay haween ka kala socday qeybaha bulshada Rayidka, wuxuuna la tashi ballaaran kala sameeyay qaabka loo wajahayo marxaladda cusub ee dalku galay.

Sidoo kale waxaa  qaar ka mid ah haweenkii ka kala socday qeybaha bulshada Rayidka ay Ra’isal Wasaaraha ku weydiyeen su’aalo la xiriira arrimaha Bulshada , waxayna haweenku soo dhaweeyey sida Ra’iisul wasaaraha ugu jawaabay iyo sida uu u muujiyey inuu la yeelan doonaan wada shaqayn joogta ah si laysku waydaarsado talooyinka wax ku ool ah.

Dhanka kale Marwo Caasho Shaacuur oo ka mid ah Madaxda Ururada Bulshada Rayidka ayaa aad uga hadashay dhibaatooyinka haysta haweenka Soomaaliyeed.

Marwo Caasho Shaacuur waxay sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay sugayeen mudo badan inay helaan dowlad Soomaaliyeed oo Rasmi ah, dhibaatooyinkii ka dhacay dalka intooda ugu badanna ay soo gaareen haweenka iyo dhalinyarada waxaana markasta ay haweenku u taagnaayeen inaan safka hore ka galaan sidii qaranimadii Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa,   waxayna xog ogaal u ahaayeen  duruufaha ka dhex jiray bulshada.  

Hase ahaatee Marwo Caasho waxay intaa ku dartay in haweenka Soomaaliyeed ay xaga aqoonta uga jiraan kaalimaha ugu horeeya waana muhiim in xukuumada la dhisayo aan ku yeelano kaalin  mug leh sababtoo ah Qaran waxaa lagu dhisi karaa marka haweenku qaataan doorkooda loona ogolaado xuquuqahooda asaasiga ah ayey tiri  Marwo Caasho.

Gabagabadii Ra’iasal Wasaare Dr. Saacid wuxuu  balan-qaaday in haweenka Soomaaliyeed iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah ay xafiiskiisu  u furan yahay xilli kasta uuna sii wadi doono kulamada noocaan ah kuwaasoo talada lagu weydiinayo qeybaha shacabka Soomaaliyeed sida bulshada Rayidka, haweenka, odayaasha dhaqanka, Culimada iyo Aqoonyahanka ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa, waxaadna maanta nasiib u yeelateen ayuu yiri Ra’isal Wasaare Saacid in kulankii ugu horeeyey oo ka dhaca xafiiskayga aad idinku ugu horaysaan taasna ay muujinayso tixgalinta aan u hayo Haweenka.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: