Advertisements

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday dowladda Talyaaniga oo uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Taliyaaniga Gulia Terzi.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdiga Dowladda Talyaaniga ka socday ayaa waxaa ay wada yeesheen kulan qaatay saacado oo ay uga wada hadlayeen xiriirka ka dhaxeeya labada wadan iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Kadib markii uu kulankaasi soo gabagabeeyey ayaa waxaa si  wada jir ah Saxaafadda ula hadlay Madaxweyne Hasan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Gulia Terzi waxayna tilmaameen  in loo baahan yahay sidii Dowladda Talyaanigu ay u xoojin laheyd taageerada ay siineyso Soomaaliya.

Mr. Gulia Terzi  ayaa sheegay  in Madaxweynaha Soomaaliya uu gudoonsiiyey dhambaal Hambalyo ah oo uu ka waday Madaxda dowladda Talyaaniga waxaana uu xusay in Dowladda Talyaanigu ay xoojineyso taageerada ay siineyso Soomaaliya iyadoo si loo xoojiyo xiriirka soo jireenka ee Soomaaliya iyo Talyaaniga lagu go’aamiyey kulanka in wafdi heer sare ah oo ka socda Talyaaniga ay yimaadaan Muqdisho halka sidoo kalena wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya ay dalkaasi Talyaaniga booqasho ku tegi doonaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa wuxuu maanta xafiiska ku qaabilay wafuud ka socota deeq bixiyeyaasha caalamka oo uu kala hadlay sidii ay dalalka deeqaha bixiya u laba jibaari lahaayeen taageeradooda.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: