Taliyaha Ciidammada Nabad Sugidda Gobolka Banaadir oo shaaca ka qaaday in ammaanka magaalada Muqdisho ay wax ka qabteen ayna sii wadi doonaan..

Taliyaha Ciidammada Nabad Sugidda Qaranka ee Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in amniga magaalada Muqdisho la xaqiijiyey kadib markii ay wadashaqeyn joogta ah yeesheen Shacabka ku nool Caasimadda Dalka ee Muqdisho iyo Laamaha Ammaanka.

General Khaliif Axmed Ereg oo ah Taliyaha Ciidammada Nabad Sugidda Qaranka ee Gobolka Banaadir oo la hadlayey Warbaahinta ayaa sheegay in Ammaanka magaalada Muqdiso la xaqiijiyay kadib markii ay wadashaqeyn joogta ah yeesheen Shacabka ku nool Caasimadda Dalka ee Muqdisho iyo Laamaha Ammaanka uu yahay mid dhammeystiran, isla markaana ciidammada Nabad Sugiddu ay kordhiyeen howlgallada lagula dagaallamayo kooxaha dhagar qabayaasha ah ee ka soo horjeeda degnaanshaha dalka , ciidammaduna ay la socdaan dhaq dhaqaaqa malleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sidoo kale General Ereg ayaa xusay in wadatashiyo ay la sameeyeey dhammaan dadka deggan degmooyinka gobolka Banaadir, maadaama la soo gabagabeeyey tirakoobkii lagu sameenayay dadka caasimadda deggan, taasi oo fududeeyneysa sugidda ammaanka.

Balse Taliyuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in sidoo kale lagu guulleystay isa soo diiwaan galiyaanta dadka kireysanaya guryaha ku yaalla magaalada Muqdisho kaddib markii ay digniin u jeediyeen shacabka in aysan ku soo dhex dhuuman kooxaha argagixisada.

Dhanka kale dadaalka lagu xoojinayo ammaanka caasimadda ee ay wadaan hey’addaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa meesha ka saaray haraadiga Shabaab ee ficillada naxariis darrada ah ka waday magaalada Muqdisho, hase ahaatee waxaa  muddooyinkan dambe soo hagaagayey ammaanka magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: