Madaafiic ay dad ku waxyeeloobeen oo Xalay lagu gaaracay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

War naga soo gaaray degamada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose,ayaa sheegaya in ugu yaraan shan qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen, kadib markii xalay lagu garaacay hoobiyeyaal.

Dad ku sugan degamda Afmadow ayaa waxay  sheegeen in madaafiicdii xalay ay ku dhaceen guryo ay ku sugnaayeen dad shacab ah, kuwaasoo keenay inay kasoo gaaraan dhaawacyo shan qof, iyadoo duqeyntan ay noqonayso tii ugu horreysay oo nooceeda oo ah ka dhacda tan iyo markii ay ciidamada Kenya iyo kuwa dowladdu qabsaden.

Sidoo kale dadka ku dhaqan degmadaas ayaa  waxay caddeeyeen in xalay saqdii dhexe ay mar qura kusoo kaceen madaafiic ku hoobanaysa degmada, waxay sheegeen in degmada ay ku soo dhaceen ku dhawaad 10 madfac oo hoobiyeyaal ah, ma jirin wax jawaab ah oo laga bixiyay, balse waxaa nasiib wanaag ah wax ku dhintay ma jiraan ayey  yiraahdeen  qaar ka mid dadka deegaanka Afmadow.

Hase yeeshee Saraakiisha dowladda ee ku sugan degmadaas ayaa waxay duqeyntan ku eedeeyeen Al-shabaab, balse ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca Xarakada oo ku saabsan inay madaafiicdaas mas’uul ka ahaayeen iyo inaysan ka ahayn.

Wararka kale oo naga soo gaaray Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saldhig ay ciidamada dowladdu ku sugnaayeen oo ku yaalla degmada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa xalay ka dhacay laba qarax oo waaweyn; kuwaasoo aan la ogeyn khasaaraha kasoo gaartay ciidamadii saldhigga ku sugnaa.

Dhanka kale weerarradan ayaan la ogeyn cid ka dambeysa, inkastoo saraakiisha dowladdu ay sheegeen inay ahaayeen kuwo ay soo abaabushay Al-shabaab, waxaana saakay ka socda degmada Kismaayo baaritaanno ay ciidamada dowladdu sameynayaan.

SomaliSwiss     Afmadow

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: