Booliska Dalka Kenya oo baadi goobaya afar qof Kenyan ah oo ka tirsan Xarakada Al-Shabab .

Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay inay baadi goob ugu jiraan 4 qof oo Kenyan ah, kana tirsan Xarakadda Al-Shabab, kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay weeraro ka geysteen gudaha dalka Kenya.

Sida warku nagu soo gaaray Afarta qof ee boolisku Kenya baadi goobka ugu jiraan ayaa la sheegay inay ku dhuumalaysanayaan gudaha dalka Kenya, waxayna tababaro ku qaateen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan  xeryo Shababku ku leeyihiin gobolada Jubbooyinka sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya.

Sidoo kale Afhayeenka booliska Kenya Eric Kiraithe ayaa magaalada Nairobi ka sheegay in 4 qof ay mas’uul ka ahayeen qaraxyo ka dhacay magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa sanadkaan gudihiisa isla markaana ay hadda kuwa kale maleegayaan.

Afhayeenku wuxuu  sheegay in Afartan qof ay yihiin dad dhallinyaro ah, waxaana hogaaminaya nin lagu magacaabo Xassan Omondi, waxayna adeegsada magacyo ay ka mid yihiin Owiti Aliyas Budalangi alias Budapest alias Omosh.

Ninka la yiraahda   Xassan Omondi waa sarkaalka ugu sareeya 4 nin ee Kenya u dhashay booliska dalkaasina raadinayo kadib markii la helay xog ku saabsan inay Al-Shabab ka tirsan yihiin waxana afhayeenka booliska Kenya sheegay inay ku sugan magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.

Dhanka kale 3da qof  oo kale waxaa la kala yiraahdaa Yassin Olunga alias Ndungu, Shaban Namusenda Makotse iyo Cali Masadiq oo ah qofka ugu da’da yar afartooda.

Si kasta ha ahaatee Boolisku dalka Kenya waxay ka codsanayaan muwaadiniinta dalka  Kenya inay booliska gacan ku siiyaan qabashada dadkan ka tirsan Al-Shabab ee sawiradooda la baahinay, balse Dawlada Kenya ayaa horey u shaacisay inay jiraan dhalinyaro fara badan oo Kenyan ah oo ku biiray dagaalyahanada Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalama.

SomaliSwiss     Afmadow

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: