Advertisements

21-ka October, Maanta oo kale iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

DHEGAYSO DARDAARANKII SIYAD & HEESO KACAAN

Halkaan ka akhri

HALKAAN KA DAAWO XUSKA IYO XUSUUSTA 21-KII OCTOBER IYO WIXII KA DAMBEEYAY

DAAWO TAARIIKHDA SOOMAALIYA

SOMALI HISTORY PART ONE

SOMALI HISTORY PART TWO 

SOMALI HISTORY PART THREE

TAARIIKHDA WALAALAHA JABUUTI

Somalia’s History 1977 – 1991

HALKAAN KA DHEGAYSO BARNAAMISH GAAR AH OO AAN KA DIYAARINAY Waxqabadkii Kacaanka: 21-kii Sano ee Mileteriga iyo 21-Kii sano ee Maleeshiyaadkii Magacyo badan.

HALKAAN KA DAAWO BARNAAMISHYO WAXQABADKII KACAANKA IYO KHUDBADIHII SIYAAD BARRE IYO GOLAYAASHII XISBIGII HANTIWADAAGA KACAANKA OCTOOBER

HALKAAN KA DAAWO BARNAAMISHYO KALA DUWAN OO KU SAABSAN TAARIIKHDA DALKA SOOMAALIYA

KHUDBAD UU JEEDIYAY SIYAAD BARRE 7-DII MAY 1970

HALKAAN HOOSE KA DHEGAYSO BARNAAMISH GAAR AH: 21-ka OCTOOBER

Fadlan, ogsoonoow, heesaha Qaarkood waxaa laga yaabaa inaad u baahato haddii aadan heysan barnaamish-ka Flash player si aad ugu dhegeysato halkaan, haddii kale kuuma soo baxayaan.

QAAR KA MID AH KHUDBADIHII UGU XIKMADDA BADNAA EE SIYAAD BARRE JEEDIYAY IYO HEESIHII KACAANKA HOOS KA DHEGEYSO

KHUDBADDII UGU HOREYSAY EE SIYAAD BARRE JEEDIYAY 23-KII OCTOBER 1969
Khudbaddii Jaalle Siyad uu 1980-kii uga hadlay Jabhadaha iyo waxa ay dalka la doonayaan.
Dardaarankii aan la dhegaysan ee Jaalle Siyaad ku sagootiyay Soomaalida oo 21 sano ka dib la fahmayo macnaheeda.  
MID KA MID AH HEESIHII KACAANKA UGU CAANSANAAA (DADBEY MEELII BUGTAA)
HEESIHII KACAANKA UGU CAANSANAA (KUFTAY DHACDAY MAXAA TAQAAN)  
HEESTII KACAANKA EE (OKTOOBAREY ADAA LAHAA)  

HALKAAN RIIX HEESIHII KACAANKA OO DHAN, OO KU URUUSAN KEYDKA XUSUUS DHOWRKA SOMALISWISS

MAXAY AHAYEEN 25-KA GOLAHA SARE EE KACAANKII OCTOOBER

Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ee uu hogaaminayay allaha u naxariistee madaxweynihii hore Jaalle Maxamad Siyaad Barre, wuxuu ka koobnaa 25 xubnood oo uu gudoomiye u ahaa Jalle Maxamad Siyaad Barre, waxayna kala ahayeen:

  1. Gen. Maxamed Siyaad Barre (Militeri)
  2. Gen Jaamac Cali Qorsheel (Boolis)
  3. Gen. Maxamed Ceynaanshe Guuleed (Militeri)
  4. General Xuseen Kulmiye Afrax (Boolis)
  5. Gen. Salaad Gabeyre Kediye (Militeri)
  6. Gen. Maxamed Cali Samatar (Militeri)
  7. Gen. Cabdalla Maxamed Faadhil (Militeri)
  8. Cali Mataan Xaashi (Militeri)
  9. Col. Axmed Maxamuud Cadde (Boolis)
  10. Col. Maxamuud Mire Muuse (Boolis)
  11. Col. Ismaaciil Cali Abokar (Militeri)
  12. Col. Axmed Suleymaan Cabdalla (Militeri)
  13. Col. Maxamed Sheekh Cusmaan (Boolis)
  14. Col. Maxamed Cali Shire (Militeri)
  15. Col. Maxamuud Geele Yuusuf (Militeri)
  16. Col. Faarax Waceys Duule (Militeri)
  17. Col. Axmed Maxamuud Faarax (Militeri)
  18. Col. Axmed Xasan Muuse (Militeri))
  19. Col. Cabdirisaaq Maxamed Abuukar (Militeri)
  20. Col. Bashiir Yusuf Cilmi (Militeri))
  21. Col. Cadulqaadir Xaaji Maxamed (Militeri)
  22. Col. Maxamed Cumar Jees (Militeri)
  23. Col. Cusmaan Maxamed Jeele (Militeri)
  24. Col. Muuse Rabiile Good (Militeri)
  25. Cabdi Warsame Isaaq (Militeri)

Golaha kicinta iyo abaabula oo uu madax u ahaa Cumar Xaaji Masalle, waxayna samayn jiree oo diyaari jireen Ololaha fantasiyada Bishaan October, wuxuuna socon jiray ilaa iyo Septembar, Wasaaradii Warfaafinta ayaana qayb ka qaadan jirtay Abaabulidda iyo Wacyigelinta Bulshada iyadoo Raadiyo Muqdisho laga sii Deyn Jiray Barnaamijyo ka Hallaya Waxqabadka Kacaanka iyo Heeso Baraarujin ah sida:Oktoobar waa tee Waa Tuma Waa Taayadii,Ayaamaha Ilaahey Qaar Baa Asteysane Ubadkuna. Oktoobareey Adaa Lahaa. Bisheebaan Libtii Haleelnay.Nabbee Nooma Talin. Noloow Noloow Siyaad Noloow,Hanuunshaha Dadkoow,Wadnihii Dalkoow Siyaad, iyo kuwo kale.

17-ka Waxaa la Mari Jiray Tijaabada Koowaad 19-kana tan labaad oo aheyd tan ugu fiican ee la Daawado halka 21-kana ay ahayd Gunaanadka Xuska ee uu Hoggaaminayay ALLAHA u Naxariistee Macallinkii Kcaanka Aabihii Ummadda,Jaalle Maxamad Siyaad Barre oo sidaan filayo ay Taariiqda Xusi Doonto oo Xilligii Talada laga Tuuray ay soo Baxday Dar-daarankiisii lagu xaman jiray ee ahaa ANIGA DAD LEYGA DHAXLI MAAYO LAAKIIN DAL AYAA LEYGA DHAXLAYAA !!.

Maanta oo kale waxaa Xiiso lahaa Markii Kooxaha Baambeyda Booliska,Xoogga iyo Asluubta ay Joojiyaan Garaacista Muusiga Gaardiska oo ay soo Bilowdaan Gaardigii Ciidamadda Qalabka Sida oo Wata Dabbaabadkooda Halka Hawada ay Dhoola tus  ku Sameyn jireen Diyaaradaha Dagaalka ee Ciidankii Cirka Soomaaliyeed,waxaana Xusid Mudan Marka Ay Marayaan KUMMAANDOOSKII Meleteriga oo Dhawaaq Xoogan Ku Muujinayay Cududooda Tasoo Cabsi iyo Qal-Qal Gelin Jirtay Cadawgii Gudaha iyo kan Dibadda.

Habeenimada Maalintaas Waxaa Golihii Murtida iyo Madadaaladda Tiyaatarka lagu Qaban jiray Bandhig Faneed Xiiso leh oo ay soo Bandhigayeen Hoboladii Qaranka oo uu inta badan horkacayay Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise Sangub,iyo Bandhig Faneed Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka ah oo ay Horboodayeen Feeynuus Sheeq Daahir iyo Sheeq Abuukar Sheekaale oo Kala Sita Sabuul iyo Calanka JDS kuwaasoo Guddoon-siin Jiray Macalinkii Kacaanka Jaalle Siyaad.!!

Maxaa laga xusuustaa Taariikh Nololeedkii Maxamad Siyaad Barre
Meesha saxda ah ee uu ku dhshay iyo waqtigaba lama hubo, hase yeeshee, waxaa loo badiyaa inuu ku dhashay Degmada Garbaharrey iyo degmooyinka iyo gobolada kale ee ku xeeran ee xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya, hase yeshee, waxaa la qiyaasay in Maxamad Siyaad Barre uu dhashay inta u dhexeysa sanadihii 1918 iyo 1920-kii.

Maxamad Siyaad Barre wuxuu ahaa curadkii Siyaad Barre oo lagu dilay Agga Ceel Miriq oo ku dhaw magaalada Dhuuso-Mareeb, qiyaastii 1930-kii. Maxamd Siyaad Barre hooyadii oo la oran jiray shaqlan Warfaa waxaay geeriyootay 1928-kii .Siyaad Barre waxaa korriimadiisa la wareegay Adeerkiis Xirsi Barre oo isna la dilay 1933dii .Siyaad Barre wuxuu isaga oo 17 jir ah kasoo kacay Miyiga Dhuusamareeb wuxuuna yimid Magaalada Beledweyne oo loo qaatay in uu kamid noqdo ciidamadii Talyaaniga oo loo yaqiin Duubcadka .

Jaalle Maxamad Siyaad Barre wuxuu Miyiga ku guursaday xaaskiisii ugu horreysay oo la oran jiray Faadumo Aw Muuse, wuxuu magaalada Muqdishow yimid 1941-kii markii Talyaanigu Ingiriiska kala wareegay Koonfurta Soomaliya wuxuuna isla sanadkaas ku biiray Ciidamadii dalka ee hoos tegayay Ingiriiska wuxuuna helay dallacaadaha hoos ku xusan:

1941 Alifle
1944 labo-alifle
1952 Waxbarasho buu u aaday dalka Talyaaniga
1954 wuxuu noqday Xiddigle
1955 wuxuu qaatay Xiddigtii Labaad
1957 wuxuu noqday Dhamme

1958 wuxuu u dallacay Gaashaanle wuxuuna Madax ka Noqday Xaafiiska Sirta ee Booliska.
1960 wuxuu Taliye Ku xigeen ka Noqday Ciidamadii la asaasay ee Xogga Dalka Soomaaliyeed wuxuuna Taliyihii Ciidamada Xogga Dalka Soomaaliyeed Noqday sanadkii 1965tii kaddib markii uu geeriyooday Taliyihii Xogga Soomaaliyeed Genaral Daauud Cabdulle Xirsi .

Maxamad Siyaad Barre, Wuxuu xukuna dalka Somaliya la waregay 1969-kii, wuxuuna xakumayay ilaa iyo 1991-kii oo ay talada ka tureen jabhado hubaysan oo aan lagaranayn ilaa iyo hadda waxa ay ahayd ujeedkoodu, wuxuuna  Alla ha u naxariistee Siyaad barre ku geeriyooday 2dii Janaury 1995tii magaalada Lagos ee caasimadda Nayjeeriya.

Maxamad Siyaad Barre waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa geesi waddani ah ,oo geeriyooday isaga oo wax hanti ah oo ummaddu ay leedahay uusan meel dhigan lagana dhaxlin taas oo muujinaysa in Jaalle Siyaad ahaa Madaxweeyne daacad ah .

Maxamad Siyaad Barre dadkii aad u yaqiin ama lasoo shaqeeyay waxay ku tilmaameen inuu ahaa nin u naxariista dadka ay isla shaqeeyaan ama uu ufahmo wadaniyiin, wuxuu si naxariis darro ah ula dhaqmi jiray kana takhalusi jiray cidkasta oo soo haweeysata kursigiisa.

Mohamed Saadaq

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: