Abuu Mansoor Al Imriiki oo sheegay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Maleshiyada Al-Shabaab iyo Ajaaniibta kabarbar dagaalanta.

Omar Shafik Hammami oo loo yaqaano Abuu Mansuur Al Imriiki oo ka tirsan horjogayaasha maleshiyada kooxda al Shabaab ayaa shaaciyay inuu jiro Khilaaf ba’an oo u dhaxeeya Xubnaha Al Shabaab ee Ajaaniibta ah iyo kuwa Soomaalida ah.

Wargayska The Long way Jornal ooka soo baxa dalka Maraykna oo soo xigtay Barta Internetka hadalo uu ku qoray Al Amriiki ayaa sheegay inuu haatan jiro khilaaf soo kala dhex galay Mas’uuliyiinta sar sare ee Al Qaacidda eek u sugan gudaha Somaliya iyo waliba horjogayasha al Shabaab.

Horjogahan ka tirsan kooxda al Shabaab oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in haddii aan Khilaafkaas wax laga qaban inuu ahaan doono mid saameyn ku yeelan doona Halganka Jihaadka ee caalamka ka soconaya.

Warkan uu Joornaalka soo xigtay ayaa sidoo kale Al Amriiki wuxuu ku dheeraaday khilaafka uu sheegayo in uu u dhaxeeyo Dagaalyahanada Soomaalida ah ee Al-Shabaab iyo Ragga Muhaajiriinta ah ee ka bar bar dagaalama.

Omar Shafik Hammami ayaa marar badan sanadkan gudihiisa barta inter netka soo dhigay warar kala duwan iyadoo horraantii sanadkana uu sheegay inuu cabsi ka qabo in al Shabaab ay dilaan noloshiisana uu ka shakisan yahay.

Sirdoonka Maraykanka ayaa bartamihii sanadkan sheegay in Abuu Mansuur Al Imriki la Dilay, in kastoo arrintaasi ay beenowdey ka gadaal markii bil ka hor Internetka lagu arkay wararka Al Amriiki oo ka mid ahaa Saraakiishii soo hoggaamisey Dagaalka Al Shabaab ay ka wadeen gudaha Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee hadalkan digniinta ah ee uu soo saaray Muwaadinka Dhalashadiisu Maraykanka tahay ayaa waxaa uu imaanayaa xilli inta badan maleshiyadan Ajaaniibta ahaa ee ka bar bar dagaalamayay maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ay ka baxeen waddanka Soomaaliya, kuwaas oo badankood la sheegay in ay gaareen dalka Yaman.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: