R/wasaare Saacid oo shaaca ka qaaday in maamul u sameeynta gobollada ku saleeyn doonto rabitaanka dadka deegaanka deggan.

 Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya,  Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) oo khadka taleefoonka kula hadlayay Soomaalida ku nool dalka Sweden ayaa ka hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin maamul u sameynta gobollada dalka iyo howlaha ay xukuumaddiisu qabanayso 100 maalmood ee ugu horreysa.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay in maamul u sameynta gobollada dalka ay ku xiran tahay hadba sida ay shacabku doonayaan, isagoo xusay inaysan dhacayn inay kor geeyaan dadka gobollada ku nool maamul, balse ay raacayaan hadba sida ay dadku u doonayaan cidda maamulaysa.
Mudane Cabdi Saacid oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri:”Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay taageerto ciddii ay shacabka ku nool gobollada dalka doonayaan inay maamusho, balse ma dhici doonto in maamul aanay ralli ka ahayn dadka loo sameeyo gobollada.”

Dhanka kale, Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in xukuumaddiisa ay xoogga saarayso 100 maalmood ee ugu horreysa sugidda ammaanka, dib u dhiska iyo soo celinta kaabasyaasha dhaqaalaha dalka.
Mudane Saacid wuxuu ku nuuxnuuxsaday in uu hadda waqti siinayo wada tashiyo ku aadan xukuumadda uu soo dhisi doono, taas oo uu tilmaamay in ay noqondoonto mid tiro yar oo leh tayo wanaagsan, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in ay wax ka qabandoonto xaaladaha adage e dalka ka jira.
Ra’iisul wasaaruhu wuxuu ka dalbaday jaaliyadaha Soomaaliyada ee ku sugan dalka dibaddiisa inay kaalin mug leh ka qaataan caawinta dowladda cusub ee Soomaaliya, isagoo sheegay inay rajo wanaagsan ka qabaan inay afarta sano ee soo socota ay dalka gaarsiiyaan horumar ka ballaaran midda hadda jira.

Mudane Saacid ayaa ka hadlay doorka ay Jaaliyadaha ka qaadan karaan dib u dhiska iyo horumarka dalka, isagoo ku celceliyay sida lagama maarmaanka ay u tahay in la helo isku duubni Soomaaliyeed si loo wada shaqeeyo shacab iyo xukuumadba, isagoo hoosta ka xariiqay in xukuumaddiisu ay maamul u sameeynta gobollada ku saleeyndoonto rabitaansha shacabka.

Si kasta ha ahaatee Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa laba casho ka hor codka kalsoonida ka helay Baarlaamanka Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu isla maalintii xigtay la wareegay xilka ra’iisul wasaarenimo ee Soomaaliya, iyadoo laga sugayo inuu xukuumad soo dhiso si kalsoonida loogu weydiiyo mar kale  Baarlamaanka Soomaaliya.

SomaliSwiss     Stockholm

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: