Advertisements

Madaxweyne Xasan Sheikh oo maanta ka gudoomay Warqadihii Aqoonsiga Safiirnimo Ergeyga Midowga Yurub u fadhin doono Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadihii aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay Safiirka cusub ee ay Midowga Yurub usoo magacaabeen Soomaaliya Cervone De Urso.

Ka hor inta aan warqadaha aqoonsiga laga gudoomin waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku qaabilay safiirka Xafiiskiisa, waxayna  Madaxweynaha iyo Safiirkana ay ka wada hadleen xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Yurub iyo taageerada Midowga Yurub ay siin doonaan Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii uu warqadihii aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee ay Midowga Yurub usoo magacaabeen Soomaaliya ayaa waxaa wadajir Saxaafadda ula hadlay Safiirka iyo sii hayaha Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Ugu horeyntii waxaa saxaafadda la hadlay Mudane C/laahi Xaaji Xuseen oo ah  sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, wuxuuna sheegay in Dowladda Soomaaliya ay soo dhaweyneyso safiirka cusub ee ay Midowga Yurub usoo magacaabeen Soomaaliya.

Safiirka cusub ee ay Midowga Yurub usoo magacaabeen Soomaaliya  Mr. Cervone De Urso  oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa xusay inuu aad ugu farax sanyahay in loosoo magacaabo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo in sidoo kale uu Madaxweynaha Soomaaliya ka gudoomo warqadihiisa aqoonsiga.

Sida la wada ogsoon yahay kadib markii ay magaalda Caasimadda Soomaaliya ay noqotay mid Ammaankeedu la isku halleyn karo ayaa waxaa mudooyinkan dambe ay ku sii kordhayeen  imaanshaha ama furitaanka Xafiisyada safiirrada ay dalalka Caalamka usoo magacaabayaan Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah waxyaabaha ku yimid isbedellada nabadeed ee ka jira Caasimadda, balse Safiirkan uu maanta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka gudoomay warqadihiisa aqoonsiga ayaa noqonaya safiirkii ugu horeeyey ee ay Midowga Yurub usoo magacaabaan Soomaaliya 21sano kadib kaasi oo isagu si rasmi ah Muqdisho uga howlgala.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: