Xaflad isugu jirta soo dhaweyn iyo sagootin ee R/wasaare Saacid iyo R/wasaarihii hore oo xalay loogu sameeyey Xarunta Madaxtooyada…

Xaflad casho sharaf ah oo lugu sagootinayay R/wasaarihii hore ee Soomaaliya laguna soo dhaweeynayay R/wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalaka Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen madaxada ugu sarreysa dalka ayaa xalay lagu qabtay xarunta maxadxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya.

Waxaa Munaasabaddaas soo abaabulay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka soo qeybgalay R/wasaarihii hore Dr. C/weli Gaas, R/wasaaraha cusub Cabdi Faarax Shirdoon, Guddoomiyha Baarlamanka Prof. Jawaari, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Xildhibaanno iyo marti sharaf kale.

Waxaa ugu horeyntii munaasabadda ka hadlay R/wasaarihii hore Dr. C/weli oo ka waramay waxqabadka xukuumaddii KMG aheyd ee uu hoggaaminayay, isagoo kula dardaarmay R/wasaare Saacid in uu howsha halkeeda ka sii wado.

Sidoo kale R/wasaare Saacid oo isna halkaas ka hadlay  wuxuu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in xaaladda maanta dalku ku jiro looga bixi karo isku duubni Soomaaliyeed iyo wada shaqeyn dhexmarta dowladda iyo shacabka, isagoo ballanqaaday in uu ku dadaalayo sidii uu u gudan lahaa xilka culus ee loo magacaabay.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamanka Prof. Jawaari wuxuu ku dhiirigeliyay R/wasaare Saacid in uu wax ka qabto dhibaatooyinka kala duwan ee ka jira dalka isagoo Dr. Gaas ku amaanay wax qabadka xukuumaddiisii.

Ugu danbeyntii waxaa  munaasabaddaas  ka hadlay  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna si weyn u amaanay wax qabadka Xukuumaddii Dr. C/weli Gaas, isagoo sheegay in dadaalkii ay sameeysay Xukuumaddii Dr. C/weli ay ka dhasheen madaxda iyo dowladda hadda jirta, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in xukuumadda uu soo dhisidoono R/wasaare Saacid ay dalka u horseedi doonto isbedel iyo horumar dhan kasta ah.

omaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: