Advertisements

WARBIXIN: Maxaad kala socotaa ujeedada socdaalka Dr. C/weli Gaas ee Puntland?

Ra’isal wasaarihii hore ee KMG Soomaaliya Dr C/weli Maxmed Cali Gaas oo maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay ujeedada socdaalkiisa Puntland, isagoo sheegay inuu Gaalkacyo u tagay sidii uu dadka wadatashi ula yeelan lahaa. WARBIXIN FAAH-FAAHSAN

“Waxaan u imid inaan dadka la tashano oo wixii horumara dalka iyo dadka ah aanu gacan ka geysano” ayuu si kooban u yiri Dr C/weli Gaas oo shalay xilkii xafiiska raysul wasaaraha ee uu hayey mudada ka badan sanadka ku wareejiyey raysul wasaaraha cusub ee dalka Cabdi Faarax Shirdoon.

Wuxuu kaloo sheegay inuu tegi doono magaalooyin kale oo ka mid ah Puntland.

C/weli Gaas maanta markii uu ka degay garoonka Gaalkacyo waxaa loo soo dhoweeyay si weyn iyadoo soo dhoweyntiisa ay ka qeybgaleen odayaal, haweenka, siyaasiyiin, dadweyne iyo masuuliyiinta maamulka heer gobol iyo heer degmo. [DAAWO SAWIRO SOO DHOWEYNTA GAAS]

Booqashada xilligan iyo waxa ay salka ku heyso

Waqtiga booqashada Dr Gaas uu ku tagay Puntland ayaa ah mid muhim ah; waa xilli laga filayo in isbedel uu ka dhaco Puntland dhanka siyaasadda iyo maamulka. Madaxweyne C/raxmaan Faroole inkastoo uu ku doodayo inuu shan sano xilka heynayo, haddana ay sanad u harsan tahay haddana siyaasiyiin badan ayaa ka horjeeda arinkaasi oo ku doodaya in waqtiga xukunka madaxweyne Faroole uu ku eg yahay 8-da Janaayo 2013.

Sida ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ka qeybqaadanaya ololaha C/weli Gaas ee Puntland ay u sheegeen Raxanreeb, waxaa Dr C/weli Gaas uu hadda arkaa fursad uu ka faa’ideysan karo marka dhinacyo badan laga fiiriyo.

Booqashada maanta ee Gaalkacyo waxay bilow u tahay olole siyaasadeed oo aad u ballaaran oo xoogiisa la arki doono bilaha soo socda kaasoo Dr Gaas iyo xulufadiisa ay ka bilaabi doonaan magaalooyinka waaweyn, sida Gaalkacyo, Garoowe, Boosaaso iyo Qardho oo sida Raxanreeb ay ka ogaatay dadka ku dhow Dr Gaas, laga furi doono xafiisyo looga ololeeyo siyaasadda Dr C/weli Gaas ee Puntland iyadoo siyaasiyiinta ka gadoodsan siyaasadda maamulka Faroole la soo dhoweynayo.  Dhaqaale gaaraya illaa $1.5 (hal milyan iyo bar doolar) ayaa la qiyaasayaa inuu ku kici doono ololahan cusub oo ismar ahantaasna la isla meel dhigay qarashka cida bixineysa.

Baarlamaanka Puntland

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa kal hore ka hadlay mudada ay xilka haynayso Xukuumada uu Hoggaaminayo Madaxweyne Cabdirixmaan Shiikh Maxamuud Faroole.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku tilmaamay hadalo kasoo yeeray Siyaasiyiin magac ku leh Puntland ee ku aadan wakhtiga Madaxweynuhu in uu yahay 4-sano kuwa ka hadlaya oo kaliya wax walba oo ku salaysan rabitaankood kuwaas oo aan ka fikirayn dad iyo dalba sida uu yiri.

.…..”””””Dalku dastuur buu leeyahay,dastuurkana dowladda tan ka horeeyay soo diyaariyay mudadiisu asaga ku qoran tahay,goleyaasha hadda jira maalinta ay bilowdeen ilaa maanta asaga ku shaqeynayeen,isku doorteen ,isku dhaariyeen asaga bay weli wadaan.cid afar sano lagu dhaariyey,mid saddex lagu dhaariyo, mid labo lagu dhaariyo mudadii Puntland jirtay ma arag mana jirin,marka umadda inbadan baa iska hadlaysa oo rabitaankooda ku salaynaaya oo dal iyo dad ka fikiraynin,dalku dastuur buu leeyahay waana 5-sano…””‘ayuu yiri.

Taageerada dawlada federaalka

Dr Gaas wuxuu kaloo ka faa’ideysanayaa taageero buuxda oo uu ka heysto dawlada cusub ee federaalka gaar ahaan raysul wasaaraha cusub iyo madaxweynaha oo labaduba uu u bandhigay qorshihiisa siyaasadeed Puntland.

Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole

Sida Raxanreeb ay u sheegeen dadka xog ogaalka u ah, in C/weli Gaas u xuubsiibto Puntland ma ahayn qorshe ,mardhow bilawday ee waxay ahayd arin mar hore la falkiyey ugu yaraan xilligii doorashada dawlada federaalka ololaheeda lagu jiray markaasoo la taliyaasha C/weli Gaas ay u sheegeen in fursada ka dambeysa Muqdisho ay tahay Garoowe, taasina waxay keentay in ay kala tagaan Madaxweyne Faroole iyo raysul wasaarihii [hore].

Dabcan, wax kasta waxay ku xirnaan doonaan doorashada madaxtinimada lagu muransan yahay inay dhacayso bisha Janaayo 2013, hase yeeshee madaxda dawlada fedraalka waxay u arkaan gobolka Puntland mid ahmiyad u leh maadaama hogaamiyaasha Puntland soo maray ay mar walba galaangal ku soo lahaayeen dawlada federaalka ayna lama huraan tahay mar haddaan lakala tageyn in madaxtooyada Garoowe la fariisiyo siyaasi wax la isla wadi karo.

Dhanka beesha caalamka gaar ahaan waxaa jira wadamo si hoose ula socda qorshahan; gaar ahaan kuwa daneeya arimaha burcad badeeda, dhanka argagaxisada iyo dhanka siyaasada.

Source: RBC Radio

Advertisements
%d bloggers like this: