Advertisements

Ra’isal wasaarihii hore Cabdiweli Gaas oo Gaalkacyo lagu soo dhoweeyey, laguna wado in uu noqdo madaxweynaha soo socda ee Puntland.

Ra’isal wasaarihii hore ee dowladdii KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxaa uu soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. WARBIXIN XOG HOOSE AH

C/weli Gaas oo safarka uu ku yimid magaalada Gaalkacyo ay ku wehliyeen issimo reer Puntland ah, ayaa waxaa si wada jir ah magaalada Gaalkacyo soo dhoweyn ugu sameeyay Issimada, shacabka iyo masuuliyiinta maamulada Puntland iyo Galmudug.

Madaxdii soo dhoweyntiisa ka qaybgahashay ayaa waxaa kamid ahaa masuuliyiinta gobolka Mudug iyo degmada Galkacyo, madaxwaynaha maamulka Galmudug Cabdiqaybdiid iyo xubno maamulkiisa kamid ah.

Dr. C/weli Gaas ayaa hoygiisa ugu tagay oo kulan la qaatay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ka mid ah Issimada maamuuska iyo magaca ku dhex leh shacabka reer Puntland.

Kulanka uu la qaatay Islaanka kadib ayaa isagoo la hadlayay saxaafadda waxaa uu sheegay in uu u yimid sidii uu isugu soo celin lahaa Shacabka reer Puntland, isla markaana horumar u gaarsiin lahaa Puntland.

Warar aanu ku helnay xog hoose oo ku dhow dhow C/weli Gaas ayaa inoo sheegay in uu isu diyaarinaya ololaha doorashada madaxtinimada Puntland oo la qorsheynayo in ay dhacaan bilowga sanadka soo socda ee 2013-ka.

Dr. C/weli Gaas ayaa ah Masuul magac weyn kudhex leh shacabka reer Puntland, isla markaana u qalba jagada hogaanka dowlada iyo Shacabka Puntland.

Dhinaca kale madaxweyne Faroole ayaa dhowaan ku dhawaaqay in uusan isa soo sharixi karin Nin aan katirsaneyn Xisbi kamid ah xisbiyada ka jira Puntland.

Shalay 18,10,2012, ayay ahayd markii xilka uu sirasmi ah ugu wareejiyay raysal wasaaraha cusub ee dalka loo magacaabay Cabdi Shirdoon Saacid.

SomaliSwiss Gaalkacyo
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: