Ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa lasheegayaa in uu qorsheynayo in golihiisa wasiirada uu ku dhawaaqi doono bishan marka ay tahay 21-ka Oktoobar.
Siyaasiyiin badan qaarkood ayaa sheegay in arrinkaasi uu yahay mid wax u dhimi kara siyaasadda kogaanka sare, isla markaana ay kalsooni wadan ku weyn karaan maadaama 21-ka Oktoobar ay aheyd mid ku caan ah dowladdii Kacaanka.
21-ka Oktoobar waa maalin dalka Soomaaliya looga dabaal dagi jiray sanad guuradii ka soo wareegtay markii ay xukunka gacanta ku dhigeen dowladii Militariga ee uu Madaxweynaha u ahaa alaha u naxariistee Maxamed Siyaad Bare, maalintaas oo uu taladii dadlka la wareegay, iyadoo sanad walba waqtigaas oo kale loogu dabaal dagi jiray 21-ka Oktoobar.
HEESTII KACAANKA EE (OKTOOBAREY ADAA LAHAA) Â
Inkastoo Siyaasiyiintaasi qaar ay sheegeen in 21-ka Oktoobar ay tahay maalin maalmaha taariikhda kamid ah oo aan loo xigmeyn karin 21-kii Oktoobar ee dowladii Kacaanka.
Si kasta ha ahaatee waxaanu lawada sugayaa in dhowaan uu ra’isal wasaare Saacid ku dhawaaqo golihiisa Wasiirada.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
HALKAN KA AKHRI WAA MAXAY 21-ka October, Maanta oo kale iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.
Posted on October 21, 2011 by Somali Swiss
Filed under: Muqdisho | Tagged: 21 Oktoobar, Kacaan, Somalia |
You must be logged in to post a comment.