AMISOM oo sheegtay in ay ka baxayaan fariisimo badan, gaar ahaan garoonka ciyaaraha ee Stadium Mugdisho.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa kusugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay baneyn doonaan meela badan oo kamid ah fariisimahooda gbolka Banaadir, iyagoo ugu horeyn tilmaamay in ay faarujinayaan garoonka ciyaaraha ee Satdium Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka AMISOM Col. Cali Xamuud ayaa BBC-da u sheegay in ciidanka AMISOM ee ku sugan garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho ay ka bixi doonaan bisha December ee dhammaadka sannadkan.

Horraantii toddobaadkab, ayaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta waxaa ay sheegeen in ay doonayaan garoonka si dib u dhis loogu sameeyo, isla markaana loo soo celiyo ciyaaraha kooxaha Soomaaliya.

Garoonka Mogadishu Stadium ayaa xarun ay ku tababartaan waxaa uu u ahaa kooxdii Al-Shabaab isla markaana laga saaray, kadibna wixii ka dambeey waxaa saldhig ka dhigtay ciidanka AMISOM ee taageera dowladda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dhismooyinka muhiimka ee ku yaalla caasimada, waxay xarumo u yihiin ciidanka AMIOM iyo kuwa dowladda, sababo lagu sheegay ammaanka owgeed tan iyo sannadkii 2007.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: