Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo sheegay in howlgalka ciidamada ee G/Sh/Hoose uu marayo meel gebageba ah.

Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgalka ay Ciidamada qalabka sida ka wadaan gobolka Shabeellada Hoose uu marayo heer gebagebo ah.

General C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan oo la hadlayey Warbaahinta ayaa sheegay in howlgalka ciidamadu ku xorreeynayeeen gobolka Shabeeellaha Hoose uu hadda marayo meel gebagebo ah, wuxuuna intaa ku daray in ay meesha ka baxday falalkii ay shacabka ku dhibaateeyn jireen malleeshiyaadka Al-Shabaab.

General Dhegabadan ayaa xusay in ay baabi’yeen kooxo ka tirsanaa Al-Shabaab oo mararka qaar jidka u gali jiray ciidamada, kuwaasna howlgalkii ugu dambeeyay ayuu sheegay in lagu xaaqay sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale  howlgalka Ciidamada Qalabka sida ayaa u muuqda hadda in uu ka sii dhamaanayo gobolka Sh/Hoose, halkaas oo aheyd meelaha ay ugu xoogga badnaayeen malleeshiyaadka Shabaab ee mar kasta u taagan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed, laakiin taas waxaa ka horjoogsaday ciidamada XDS ee geesiyiinta ah habeen iyo maalinna u taagan difaaca sharafta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss        Marka

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: