Advertisements

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo dalka ka dhoofay.

S/Gaas Shariif Sheekhuna Maye,  Taliyaha Ciidanka Booliska dalka Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeday caasimadda Kampala ee dalka Uganda.

si uu uga qaybgalo shir sanadeedka ay sannadkiiba mar yeeshaan madaxda ciidamada Booliska ee dalalka bariga Afrika kuwaasoo ku mideysan ururka la magac baxay East African Police Commissioners Organization (EAPCO).

Sida lagu soo warranay Shirka madaxda ciidamada Booliska oo maanta arbacada ah ka furmaya magaalada Kampala ayaa waxaa la soo gabagabayn doonaa maalinta jimcaha ee bishu tahay 19ka.

Madaxda ciidamada Booliska ee dalalka Afrika ee ku jira ururkan la magac baxay East African Police ayaa Shirkan qabto Commissioners Organization (EAPCO) sannadkiiba mar, kaasoo uu soo diyaariyo ajandaha looga hadlayo waxaa uu yahay sidii loo horumarin lahaa wadashaqaynta ciidamada Booliska ee dalalka ku jira ururkan iyo weliba horumarinta iyo sare u qaadidda wada shaqaynta ka dhexeysa ciidamada Booliska ee dalalka Bariga Afrika iyo booliska caalamiga ah ee loo yaqaan INTERPOL.

Shirka ay berri sareeyeyaasha ciidamada Booliska ee dalalka ku jira ururka EAPCO yeelanayaan waxaa ka horeeyay shir kale oo maalintii axadda ahayd tariikhduna ahayd 14ka october uga furmay isla magaalada Kampala saraakiisha iyo madaxda qeybaha booliska ee caalamiga ah ee Interpol ee waddamada Bariga afrika.

Sidoo kale Ajandayaashii ay diyaariyeen iyo goaamadii ay gaareen saraakiisha madaxda ka ah ciidamada Booliska caalamiga ah ee dalalka ku yaal bariga Afrika ayaa waxaa ka doodi doona madaxda ciidamada booliska ee uu berri shirku u furmayo kuwaasoo ugu dambeyn goaan rasmi ah ka gaari doona isla markaana saxiixi doona wixii heshiisyo ah ee la gaaray.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Dr Shariif Sheekhuna Maye ayaa waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Adan Adde International Airport ku sii sagootiyay saraakiil sare oo ka socotay qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay ciidanka Booliska Soomaaliyeed., waxaana saraakiishaas ka mid ahaa S/guuto Mukhtaar oo ah ku simaha taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed,S/guuto Wardheere oo ah madaxa hoggaanka tababarada ee ciidanka booliska soomaaliyeed,S/Guuto Bariise oo ah madaxa hoggaanka baarista dambiyada ee CID,G/le Sare Gaalkacayo oo ah taliyaha saldhigga booliska ee garoonka diyaaradaha iyo S/guuto Gaafow oo ah madaxa laanta socdaalka iyo jinsiyadaha.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: