Dowladaha Caalamka oo gorsheynaya in ay joojiyaan aqoonsiga Qaxootiga Soomaalida, kadib markii ay dowlad rasmi ah yeelatay Soomaaliya.

Wadamadii horay u qaabili jiray qaxootiyada Soomaalida ayaa iminka bilaabay olole siyaasadeed oo lagu yareynayo ama lagu joojinayo aqoonsiga qaxootiga Soomaalida ah.

Tallaabadan ayaa imaaneysa kadib markii Soomaaliya ay yeelatay dowlad rasmi ah, isla markaana wadamada Caalamka ay ka shaqeynayaan sidii loo taageeri lahaa dowladda iyo shacabka Soomaaliya sidii ay u dhisan lahaayeen deegaanadooda, sidoo kalena uga soo kaban lahaayeen dalkooda ay aafeeyeen dagaalada sokeeye in ka badan 22 sano sidaasna waxaa sheegay madaxa hayada Offshorecheck.

Soomaaliya ayaa dowladdii kumeel gaarnimada kabaxday sanadkan, kadib markii ay la ansixiyay dastuur, isla markaana madaxweyne u doorteen 16-kii September 2012 Xasan Sheikh Maxamuud.

Sidoo kale waxaa maanta ay xildibaanada Baarlamanka Soomaaliya Ansixiyeen Ra’isal wasaaraha cusub Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.

Si kasta ha ahaatee arrinkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Soomaali badan oo qaxooti ah ku dhibaateysan yihiin xerooyin ku yaala wadamada Kenya iyo Ethiopia, halka ay kuwa kaloo badanna wadada ugu soo jiraan sidii ay ku imaan lahaayeen wadamada Yurub iyo Ameerika.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: