Baarlamanka oo maanta codka kalsoonida u qaadaya R/wasaaraha cusub.

Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya ayaa lagu wadaa in maanta uu kulan ku yeesho xaruntiisa golaha Shacbiga ee Muqdisho.

Sidoo kale Xildhibaan  ka tirsan xogheynta Baarlamanka ayaa Warbaahinta u sheegay in Ajandaha kulanka maanta uu yahay in codka kalsoonida loo qaado R/wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Prof. Saacid.

Dhanka kale xildhibaanka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in mudanayaasha ay codka kalsoonida siin doonaan R/wasaare Saacid si uu usoo dhameystiro Xukuumaddiisa, waana suurtagal ayuu yiri in R/wasaaruhu khudbad ka jeediyo Baarlamanka ama isagoon jeedin khudbad loo qaado codka kalsoonida.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: