Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ciidamo badan tababar uga furay dugsiga sare ee Booliska mag. Muqdisho.

In kabadan 60 Askeri oo 12 kamid ah ay Dumar yihiin kana tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa tababar ay ku baranayaan habka denbi baarista waxaa uu uga furmay Dugsiga sare ee Booliiska ee magaalada Muqdisho.

Ugu horeyntiiba waxaa halkaa ka hadlay taliyaha Dugsiga sare ee Booliska Gen. Maxamed Cali Axmed ayaa u mahad celiyay Taliska Ciidanka Booliska ee Amisom oo isagu tababarkan soo abaabulay.

Taliyaha dugsiga Sare ee Booliska ayaa ugu baaqay xubnaha ka qayb galaya tababarkaas in ay ka faa’ideystaan duruusta halkaa lagu bixinayo.

Taliyaha Ciidanka dugsiga sare ee Booliska ayaa sheegay in ciidamada uu u furmay tababarka duruusta ay baranayaan in ay tahay hawlaha ciidanka Booliska gaar ahaana dhinaca baaritaanada denbiyada.

Taliyaha ciidanka Booliska Amisom ee  Soomaaliya Gen. Morgan oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa u mahad celiyay Saraakiisha ciidamada Booliska.

Taliayaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Booliska Amisom ay diyaar u yihiin in ay gacan ka gaystaan sidii loo hor marin lahaa aqoonta ciidanka Soomaaliyeed.

Ciidamada Booliska Amisom ayaa ka qayb qaata hawlaha lagu sugayo ammaanka magaalada Muqdisho, iyadoo lagu arkayo wadooyinka magaalada Muqdisho oo ay ka sameynayaan hawlo ammaanka lagu sugayo.

Tababarkan loo furay ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee loo qabto ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Ciidamada Amisom ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka jooga tiro ciidamo Boolis ah oo badankood ka yimid wadamada Uganda iyo Nigeria, kuwaas oo tababaro kala duwan siinaya ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: