Ra’isal Wasaaraha cusub oo Berri hortagi doona Baarlaamanka, si loogu qaado codka kalsoonida.

War goor dhaweyd naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa  sheegaya in  Ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya loo maleeyo in maalinta Arbacada oo berrri ah  uu hortagi doono Baarlamanka, si codka kalsoonida loogu qaado.

Ra’isal wasaare Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa xilka ra’iisul waasarenimo waxaa loo magacabaay lixdii bishan Oktoobar, iyadoo baarlamaanku uu dalbaday maalin ka hor in lagu keeno laba maalmood gudahood si codka kalsoonida ah loogu qaado.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan Xildhibaaanada ugu Firfircoon aayaa  wareysi gaar ah siinayay Idaacadda BBC-da laanta afka Soomaaliga wuxuu yiri: “Sida uu guddoomiyaha baarlamaanka noo sheegay ra’iisul wasaaruhu wuxuu hor-imaanayaa baarlamaanka maalinta Arbacada ah ee soo socota,”

Sidoo kale  Xildhibaan Jeesoow wuxuu sheegay inay marka hore dhageysan doonaan sida uu doonayo inuu xukuumadda kusoo dhiso iyo sida uu ku shaqeynayo afarta sano ee soo socota, markaas kaddib ayaana codka loo qaadayaa, in la ansixiyana waxay ku xiran tahay hadba sida loogu qanco hadalladiisa.

Xildhibaan wuxuu intaa uu raaciyey  ee uu yiri: “Waxay ila tahay in ra’iisul wasaare aan sharci ahayn aanu howl dastuuri ah qaban karin, taas ayaana keentay in ra’iisul waasaraha looga yeero baarlamaanka si cod loogu qaado,”

Dastuurka dalka ayaa dhigaya in ra’iisul wasaaraha iyo xukuumaddiisa hal mar la ansixiyo, iyadoo aan la ogeyn sababta looga boodayo qodobkan dastuuriga ah, balse mudane Jeesoow ayaa sheegay in ra’iisul wasaare aan ansaxsanayn oo aan la dhaarin uusan howl qaban karin.

Si kasta ha ahaatee waxaa magaalada Muqdisho ka  socda shirar hoosaadyo ku saabsan ansixinta ra’iisul wasaaraha ayaa haddana waxaan la ogeyn halka uu u dhici doono go’aanka baarlamaanka, hase yeeshee haddii ra’iisul wasaaraha cusub uu kalsoonida baarlamaanka helo laga doonayo inuu laba toddobaad gudahood kusoo dhiso xukuumaddiisa.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: