Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud oo maanta la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub iyo Ururka IGAD.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub iyo Urur goboleedka IGAD, kuwaas oo Saaka barqadii soo gaaray magaalada Muqdisho.

Kulanka uu Madaxweynaha la qaatay xog’hayaha Urur gobaleedka IGAD, safiiro kasocdo midowga Yurub, mas’uuliyiin matalayo dowladaha Kenya iyo Ethiopia ayaa waxaa goob joog ka ahaa oo kala qeyb galay safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya iyo mas’uuliyiin kale.

U jeedada kulanka dhex maray madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda kasocda IGAD iyo midowga Yurub ayaa waxa ay aheyd in ay u soo gudbiyaan madaxweynaha natiijada shirar magaalda Nairobi ku dhex maray madaxda IGAD, midowga Yurub iyo dowlada Kenya oo looga hadlaayay howlgalka jubbooyinka iyo sidii deegaanadaasi loogu sameyn lahaa maamul la isla ogyahay oo ay dowladda Soomaaliya hor kaceysa iyo arimo kale.

Markii uu soo gabagaboobay wada hadalkii xarunta madaxtooada ku dhex maray madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo madax kasocota Urur goboleedka IGAD midowga Yurub iyo matalayaal kale oo dowladaha deriska ah ayaa waxaa warbaahinta lahadlay Ambassador Maxamed Cali Nuur “americo” safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya waxa uuna ka warbixiyay kulanka maanta dhacay waxa uuna tilmaamay in kulanka uu mumiimadiisa ay aheyd sidii maamul loogu sameyn lahaa gobolada Jubbooyinka.

Eng Maxbuub Macalim ayaa isaguna la hadlay warbaahinta waxa uuna sheegay in muhiimada imanshahooda iyo kulankii madaxweynaha ay la qaateen ay tahay mid laagu hambalyeynayo maadama dowladda Soomaaliya ay ka baxday kumeelgar noqotayna jamhuriyadda Soomaaliyeed loo baahanyahay in ay ogaato shir waliba oo dalka dibadiisa ka dhacaya oo quseeya arrimaha Soomaaliya sidaasi darteedna ay kala hadlayeen arrimo kusaabsan maamul u sameynta gobaladda jubboyinka oo ay si wadajir ah gacanta ugu hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya.

Dhawaan ayey dowladda Soomaaliya oo gacan ka heleysa dowladda Kenya wax ay ganacta ku dhigtay gobalka jubbadda hoose waxaana halkaasi loo sameeyay maamul kumeel gaar ah hasayeeshe iminka ayey dowladaha Soomaaliya Kenya iyo kuwa kaleba wax ay wadaan dadaal ah sidii maamul dowladda Soomaaliya ay hor kaceysa loogu sameyn lahaa gobolkaasi.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: