Dowladda Faransiiska oo sheegtay in ay bad-baadinayaan sarkaalka ay kooxda Al-Shabaab uga haystaan Soomaaliya.

Wasaradda difaaca dalka Faransiiska ayaa sheegtay in ay ka shaqeynayso qorshihii lagu bad baadin lahaa laheyste dalkaasi u dhashay oo Soomaaliya ay ku haystaan kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka gaashaandhiga dawlada Faransiiska Jean-Yves Le Drian oo la kulmay saraakisha hay’adaha hay’adaha amaanka dalkaasi ayaa waxaa uu sheegay inay lama huraan tahay in laga shaqeeyo sidii loo sii deyn lahaa sarkaal Faransiis ah oo ay gudaha Soomaaliya ku haystaan Xarakadda Al-Shabab kaas oo lagu magacaabo Denis Allex oo Muqdisho laga qafaashay sanadkii 2009.

Wasiirku waxaa uu sheegay in Al-Shabab oo Al-Qacida ku xiran ay dhawr mar soo saareen cajalad muuqaal ah oo muujinaya nolosha Allex taasoo uu tilmaamay inay qasbayso inay ka shaqeeyaan sii daysmadiisa.

Wasiirku ma sharaxin qaabka uu noqon doono sii daysmada sarkaalkaan Soomaaliya lagu haysto ee ka tirsan hay’adda sirdoonka Faransiiska ee DGSE.

Sidoo kale wasaaradda gaashaandhiga Faransiiska ayaa xustay in qorshahaan ay ku jiraan 6 ruux oo kale oo Faransiis ah oo lagu haysto waqooyiga wadanka Mali kuwaasoo ay haystaan dagaalyahano hubeysan oo Al-Qacida ku xiran oo dalkaasi Mali ku sugan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: