Daawo Xafladihii ugu dambeeyey ee lagu taageerayay Dowladda Soomaaliya ee ka dhacay dalka Switzerland.

TAAGEERO DOWLADDA

HOOS KA DAAWO VIDEOs & SAWIRRO BADAN

undefinedHalkaan ka akhri

HALKAAN KA DAAWO XAFLADDII GENEVA EE LAGU TAAGEERAY DOWLADDA Dec 16, 2012

Xafladdii ugu dambeysay ee Geneva Dec 16, 2012.

Halkaan hoose ka sii akhri ama daawo Xafladihii kale ee tan kasii horeeyay ee dalka Switzerland lagu qabtay dhowaantaan. Oct 15, 2012.

Xafladaan oo aheyd casho sharaf laguna qabtay mid kamid ah hoteelada ugu waaweyn magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa ujeedadeeda waxaa ay aheyd taageerada in Soomaaliya ay ka baxday nidaamkii KMG ahaa, qaabkii ay u dhacday Doorashooyinkii Madaxweynaha Jamhuuriyada, gudoomiyaha Baarlamaanka, iyo magacaabista Ra’isal wasaaraha cusub ayaa waxaa ka soo qeybgalay  safiiro ka socday dowladaha Turkiga, Jabuuti, Uganda, iyo madax kale  oo tirsan dowladda Switzerland, iyo marti sharaf fara badan.

Xafladan oo ay si wada jir ah uga soo qeybgaleen  jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerland ayaa waxaa soo abaabulay  jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Geneva, gaar ahaan C/raxmaan Sh. Xuseen Goleey, iyo marwadiisa Khadiijo Maxamuud Muuke Faäza mascuud Sh. Ibrahim yare, Maxamed Axmed Cali (katimba) iyo Dr. Axmed Cali Eybakar.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo qadka telfoonka kula hadlay ka qeybgalayaashii xaflada  ayaa waxaa uu si weyn ugu dheeraaday sida ay lagama maarmaanka u tahay in qurba joogta Soomaaliyeed ay door wax ku ool ah ka qaataan dib u dhiska dalkooda, gaar ahaan sidii ay uga faa’iideysna lahaayeen fursadaha banaan ee la xiriira maalgashiga iyo ka qeybqaadashada barnaamijyada horumarineed ee dalka, isaga oo si gaar ah carabka ugu adkeeyey Soomaali dal kasta oo ay dhalasho ka qaadato in ay weli tahay Soomaali, dalkuna uu u baahan yahay, si looga faa’iideysto aqoonta iyo khibradaha wanaagsan ee  laga dhexlay dalalka shisheeye.

HALKAN KA DHAGEYSO KHUDBADII UU JEEDIYAY MADAXWEYNAHA

HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA XAFLADDA GENEVA SWITZERLAND

[blip.tv http://blip.tv/play/h5Nog4mEKgA width=”480″ height=”340″]

HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA XAFLADDA LONDON UK

[blip.tv http://blip.tv/play/h5Nog4ebEAA width=”480″ height=”340″]

SomaliSwiss Geneva

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: